Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Zeina: 24 sannadood dabadeed ayaan shaqa galey

La daabacay onsdag 16 december 2015 kl 13.45
Muddo ayey ajaaniibta ku galaan suuqa shaqada
(3:21 min)
Fatma, Christin och Zeina. Kopperativet Yala Trappan i Malmö. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
1 av 2
Fatma, Christin och Zeina. Kopperativet Yala Trappan i Malmö. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
Pär Larshans sargaal ka howlgala shirkadda Ragn-Sells AB. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
2 av 2
Pär Larshans sargaal ka howlgala shirkadda Ragn-Sells AB. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR

Magacaygu waa Zeina Dolani, waxaanan asal ahaan ka soo jeedaa dalka Lubnaan. Sida aad la socota way adag tahay sidii Sweden shaqo looga heli lahaa. Waxan dalka deggenaa muddo 26 sannadood ah. Shaqadii iigu horreeysayna waxaan helay 24 sannadood dabadood, sida ay sheegtay mar ay maanta ka hadleeysay kulan ka dhacay xarunta ururka madaxa bannaan ee mulkiileyaasha ee lagu magacaabo Timbro.

Kulankaasi oo looga hadlayey waxyaabaha hor-taagan sida ajaaniibta dalka ku dhaqan ey u howl-geli lahaayeen iyo habab kala duwan oo iminkaba dalka looga howl-galo ayay sheegtay Christina Merker-Siesjö, ahna madaxa howlaha ee iskaashatada lagu magacaabo Yala Trappan oo ka aasaasan magaalada Malmö oo ey iminka ka howl-galaan 29 haween ah oo in muddo ah suuqa shaqada ka maqnaa ama aan weligood dalka ka shaqeeyn, iyadoona aaney badankood marna dalka ka howl-gelin muddo ugu yaraan 15 sannadood oo ey dalka ku sugnaayeen, halka ey qaarkood sheegeen iney dalka ku sugaanyeen muddo 31 sannadood ah.

Iskaashatadan oo la aasaasey muddo iminka lix sannadood laga joogo ayay sheegtay Christina Merker-Siesjö in baaritaan uu ku sameeyay caalin dhaqaale yahan ah uu soo saarey in afartii sannadood ee ugu horreeyey u baajisay dalka dhaqaale gaarsii-san siddeed malyan oo koronka iswiidhishka ah:

- Haddii keliya la xisaabiyo labaatankii howl-wadeen ee ugu horreeyey muddo afar sannadood, iminka 29 ayaannu nahey lix sannadoodna waannu jirney, waxaa dalka u baaqdey dhaqaale gaarsii-san 8 malyan, sida uu baaritaan ku sheegay caalin ku takhasusay culuunta dhaqaalaha qaran, sida ay hadalka u dhigtay.   

Isku celcelin ayaa la sheegaa in ajaanibta dalka ku dhaqani ey ku how-galaan 7 illaa iyo siddeed sannadood inta u dhexeeysa. Waana mid dhibaato u horseedeysa shakhsiga iyo dalkaba haddii aan shakhsiga loo howl-gelin sida ugu dhakhsiyaha badan, sida uu sheegay Pär Larshans, ahna madax-waaxeed ka howl-gala shirkadda mulkida loo leeyahay Ragn-Sells AB. Mar uu u warramayay idaacadda Radio Sweden, laanteeda afka soomaaliga:

- Halka waa in hoos loo dhigo xadadka shaqada lagu galo si shaqa-bixiyeyaashu ugu dhiiradaan iney dadka howl-geliyaan. Waxaan la qabaa in muddada toddobada sannadood, siddeeda sannadood ee shakhsigu uu shaqada ka maqan yahay ey aqoontiisu hoos u dhaceeyso. Waana arrin aan wanaag-saneyn. Waxaa loo baahan yahay in muddo ka yar lagu howl-geliyo. Waana mid ey dani ugu jirto shakhsiga iyo bulshada guud ahaanba, sida uu sheegay.

Isha/ Radio Sweden

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".