Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baaritaan la xiriira howlaha waddooyinka xaddiidka

La daabacay onsdag 16 december 2015 kl 16.36
"Aasaas laga tallaabo qaado weeye"
(2:12 min)
Wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaale Anna Johansson (Social Democrat). Sawirle: Brett Ascarelli / Radio Sweden
Wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaale Anna Johansson (Social Democrat). Sawirle: Brett Ascarelli / Radio Sweden

Maanta ayaa la soo ban-dhigey baaritaan ballaaran ee la xiriira waddooyinka xadiidka ee mara dalkan Sweden. Baaraha Gunnar Alexandersson ayaa sheegay inuu shaki kaga jiro in loo baahan yahay in shirkadda tareemmada ee SJ ey ku sii jirto gacanta dawladda ama mulkida dawladda:

- Dawladdu siyaabo kala duwan ayay ugu jirtaa howlaha tareemmada iyo dhabbooyinkakooda. Tusaale ahaan horu-marinta xeerarka khuseeya, hayad ahaan marka laga hadleyana hayadda gaadiidka iyo midda isu gooshka. Waxaa dhici karta in fikirradeeydani hor-seed ka noqdaan in masuuliyad dheeri ah la qaado iyo sidii loo haqab tiri lahaa is-gaarsiinta. Waxaan markaa uga jeedaa in loo baahan yahay in dawladdu howlo-maalmeedkana gacanta ku sii hayso, sida iminka ay weli tahay. Waxaan ka hadlayaa shirkadaha SJ AB, Green Cargo AB, Jernhusen AB iyo sidoo kale Infranord AB.                                                      

Gunnar Alexandersson ayaa sannadkii 2013, ay dawladdii Alliansen-ka ee dalka waagaasi ka talineeysay u xil-saartay sidii uu baaritaan ugu sameeyn lahaa shirkadaha waddooyinka tareemmada. Iyadoona uu maanta soo ban-dhigay fikirro ka kooban 17. Iyo weliba in dib u eegis lagu sameeyo in dawladdu gacanta ku sii heyso mulkida qaar badan oo howlahaa quseeya iyo in wax laga bedelo habka lahaansho ee shirkadaha dhabbooyinka xaddiidka.

Wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaalaha Anna Johansson ayaa ku qanac-san baaritaanka maanta gacanta loo geliyey:

- Baaritaankani wuxuu i siinayaa aasaas wanaag-san oo aan horay howlaha uga sii wadi karno iyo sidoo kalo jawaabaha ey war-bixintan ka soo dhiibi doonaan hayadaha ey quseeyaan oo aan dhowaantan jawaabtooda ka fileeyno, sida ay hadalka u dhigtay Anna Johansson, ahna wasiirka kaabeyaasha dhaqaale ee dalkan Sweden.

Isha/ Ekot

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".