Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan oo maalgelin cusub ku sameeynaysa Suuriya

La daabacay torsdag 17 december 2015 kl 10.20
"Lama shaqeeyno Al- assad"
(2:18 min)
Isabella Lövin wasiirka kaalmada caalamiga ee dalka Sweden  Foto: Muna Ismaacil
Isabella Lövin wasiirka kaalmada caalamiga ee dalka Sweden Foto: Muna Ismaacil

Iswiidhan ayaa maalgelin cusub ku sameeynaysa kaalmada dhaqaale ay waddanka Suuriya siiso. 340 milyan oo koroon ayaa la siin doona suuriya shanta sanno ee fooda inugu soo haya. Lacagtan ayaa logu talo galay waxbarida dugsiga iyo daryeelka caafimaadka.

Go´aankan ayaa ka yimid dawladda waddanka hogaamisa.

Wasiirka kaalmada caalamiga ah ee Isabella Lövin ayaa sheegtay in ay Suuriya tahay waddan caawimaad badan u baahan.

-Wada hadaal nabadeed ayaa ka socda xaalada suuriya, waxaanan rajeeynaya in u dagaalkani dhamaado. Hadii aan waddanka lacag ka caawin karno si loo dhiso bulshadda, islmarkaas na shaqooyin laga abuuro, waxey ila tahay in aanu wada hadalka nabadeed horumar ka arki karno, ayey sheegtay Isabella Lövin.

Qeeyb ka mid ah lacagta ay Iswiidhan ku maalgelinayso Suuriya ayaa lugu talo galay waddamada jaarka ah ee lubnaan, jordan iyo turkiga oo qaxooti faro badan qaabishay.

In kasta oo ay Iswiidhan lacagtan siinayso suuriya weli waxaa adag sii lacagtan loo gaadhsin lahaa dadka u baahan, madama u dagaal sokeeya ka socdo waddanka. Halkey kooxda argagaxisada ah ee Daacesh iyo maamulka Al-assad dagaal  halkaas ka wadaan.

-Anagu lama shaqeeynayno labadan koox. Marka aanu waddankan dhisayno, waxaan wada shaqeeyn la sameeynayna qaramada midoobey iyo EU. Weli tiro gaadhaysa 2 milyan oo caruur ayaan iskuul dhigan islamarkaas na ay boqolkii ba 60 dadka shaqo haysan.

Isabella Lövin ayaa sheegtay in ay tahay masuuliyadda heeeyada kaalmada caalamiga ah ee SIDA in ay lacagtan gaadhsiiso dadka u baahan.

 Dhaqaalaha lugu maalgelinayo suuriya mawaaxaa u sabab ah qaxootiga faraha badan ee iswiidhan sharci ka codsaday?

-Ujeedadeenu maaha in aanu dadkan joojino, waxaanu doonayna in u waddanku nabad noqdo,ayey wasiirka kaalmada caalamiga ah ee Isabella Lövin hadalkeeda ku soo gabagabeeysay.

Laga bilaabo 1 bisha january sannadkan ayaa 340 milyan oo koroon loo qeybin doona shanta sanno ee soo socda si loo dhiso Suuriya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".