Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Doorka haweenka iyo dhexdhexaadinta nabadda

La daabacay torsdag 17 december 2015 kl 13.00
Khilaafyada caalamka ka aloosan
(1:47 min)
Margot Wallström. Sawirle:TT
Margot Wallström, wasiirka arrimmaha dibadda Sweden. Sawirle:TT

Dawladda ayaa maanta soo ban-dhigi doonta shabakadda haweenka dhexdhexaadinta nabadda oo muddo laba sannadood gudahood ah u diyaar-garoobi doona sidii qeyb uga noqon lahaayeen dhaexdhexaadinta goobaha ey iska hor imaadyadu ka aloo-san yihiin ee caalamiga. Haweenka ayaa maanta tiro yar ku leh ka qeyb-galka howlaha dhexdhexaadinta dhibaatooyinka caalamiga ah, xitaa haddii taariikhda lagu soo arkay tusaalooyin cadcad oo haweenku qeyb ka ahaayeen oo heshiisyo ey ku wada gaareen garabyadii isku hayey.

Sofie Karlsson, oo hor-muud ka noqon doonta mashruucan haweenka ee shabakadda dhexdhexaadinta ayaa aamin-san in loo baahan yahay in haweenkau ey safka hore ka galaan howlahaa dhaexdehaadinta ee nabad-dejinta:

- Sabab uma yeeli karno in aaney bulshada barkeed, ahna haweenku aaney qeyb ka aheyn su’aalaha muhiimadda ku fadhiya ee la xiriira nabadda iyo mustaqbalka.

Kulan caalami ah oo maanta lagu qaban doono xarunta madaxtooyada ee Rosenbad, halkaasina oo ay qayb ka noqon doonto wasiirka arrimmaha dibadda Sweden Margot Wallström iyo qaar ka mid ah shabakadda haweenka ee dhexdhexaadinta nabadda ayaa lagu soo ban-dhigi doonaa shabakad haweenka u ee dhexdhexaadinta qilaafyada caalamiga ah, fikirkaasina oo uu madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven markii ugu horeeysay ku soo ban-dhigay khudbaddiisii uu ka jeediyay kulankii hayadda caalamiga ee Qarammada Midoobey dayrtii ina dhaaftay.

Haweenka ayaa iminka kaalin hooseeysa ku leh howlaha dhexdhexaadinta nabad abuurka ee ee caalamka. Waana tiro ka hooseeya 10 boqolkiiba intii u dhexeeysay sannadihii 1992 illaa iyo 2011.

Isha/ Radio Sweden

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".