Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ganaax lagu soo rogi doono gaadiidka aan eegin waraaqaha aqoonsiga

La daabacay fredag 18 december 2015 kl 12.53
4-ta bisha jannaayo
(2:03 min)
Wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaale Anna Johansson (S). Sawirle: Claudio Bresciani / TT.
Wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaale Anna Johansson (S). Sawirle: Claudio Bresciani / TT.

Wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaale ee dalkan Sweden Anna Johansson, kana tirsaan xisbiga Socialdemokraterna (S) oo maanta shir-jaraaid ku soo ban-dhigtay go’aanka dawladda ee la xiriira kontroolka waraaqaaha aqoonsiga ee dadyoowga la socda gaadiidka isaga goosha xuduudaha uu dalkani la leeyahay waddammada jaararka la ah. Shirkasasi jaraa’idna oo ka dhacay xarunta madaxtooyada dawladda ee Rosenbad.

Dhallaanka da’diisu ka hooseeyso 18 sannadood ee la socda waalidiintii dhashey ama dad qaan-gaar ah looma baahna ee heysta waraaqo aqoonsi ka mid noqon maayaan kuwo kontroolka waraaqaha aqoonsi lagu sameeyn doono, sida ay sheegtay wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaale ee dalkan Sweden Anna Johansson oo maanta shir-jaraa’id ku soo ban-dhigtay go’aanka dawladda.

Go’aanka dawladda ee baarista waraaqaha aqoonsiga ayaa hir-geli doona laga bilaabo 4-ta bisha jannaayo ee sannadka foodda innagu soo haya, middaasina oo macnaheedu yahay in mulkiileyaasha gaadiidka ey masuuliyadi ka saaran tahay sidii ey ku xaqiijin lahaayeen aqoonsiga dadyoowga la socda gaadiidka ee xuduudda u dhexeeysa waddammada Sweden iyo Denmark.

Iyadoona sida ay sheegtay wasiirka kaabeyaasha dhaqaale ee dalka Anna Johansson in sidii howshaa loo fulin lahaa ey tahay mid u taala ciidanka ammaanka: 

- Ma jiraan shuruudo gaar ah ee howshan loo dejiyey, hase yeeshee ay tahay mid sida ugu wanaag-san oo ey u qaabili lahaayeen u taala mulkiileyaasha gaadiidkaa. Iyadoo sidoo xaqiiqdii wada-shaqeeyn dhex-mari doonto hayadaha dawliga ah iyo mulkiileyaasha gaadiidka isaga goosha xuduudaha. Halka ey sidoo kale dhanka dawladda isha ku heyn doonaan sida xaaladdu u shaqeeyn doonto kolka uu sharcigani hir-galo.

Isha/ Ekot

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".