Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Argagixiso laga cabsi qabo in ay ku soo dhex dhuuntan qaxootiga

La daabacay fredag 18 december 2015 kl 14.00
Amiga dalka iyo qaxootiga
(1:32 min)
terrorism asylbrand 11:e september
Det blivande asylboendet i furulidsskolan i Onsala i Kungsbacka blev troligen anlagd. 11:e september. Foto: Björn Larsson Rosvall/TT. Montage: Sveriges Radio

Xaaladaha adag ee qaxootiga ku soo qulqulaya Yurub ayaa laga cabsi qabaa in arggagixiso ku soo dhex dhuumato.

Laanta Socdaalka ayaa hadda ka dayrinaysa in ay waqti qaadato in la ogaado dadka lagu tuhunsan yahay falal arggagixo ee qaxootinimo waddanka ku iman kara. In Laanta Socdaalku ay ogaato shakhsiyaadka arggagixisda ah ee waddanka qaxootnimada ku imanaya oo ay warkooda u gudbiso hey’adda sirdoonka ee waddankan Sweden ayaa waxay qaadan kartaa in ka badan 2 sanno.

Sannadkan, ilaa hadda 160 kun oo qof ayaa magangelyo ka dalbaday Sweden, kuwaas oo ka yimi waddamo ay ka mid yihiin Suuriya, Afqaanistaan iyo Soomaaliya, waxaana suuro gal ah in dad arggagixiso ahi ay ku soo dhex dhuuntaan qaxootigan.

Sannadkan ayaa Laanta Socdaalku waxay hey’adda Sirdoonka u gudbisay 363 codsi oo magangelyo iyo 107 codsi oo dhalashada Sweden ah, sida ay ku waramayso jariirada Svenskan.

Hey’adda Socdaalka ayaa diiday 21 codsi oo ka mid ahaa codsiyadaas magangely doonka ee Laanta Socdaalku u gudbisay iyo sidoo kale 11 codsi oo dhalashada Sweden ah.

Dhamaan dadkan la diiday codsiyadooda ayaa hey’adda sirdoonku u aragtaa in ay khatar ku yihiin amniga dalkan. Dadkan ayaa badankooda looga shaki qabaa in ay xidhiidh la leeyihiin ururka arggagixisda ee Daacish.

Sida laga soo xiganayo hey’adda sirdoonka ee waddankan Sweden in ka badan 300 oo Swedish ayaa u socdaalay waddamada Suuriya iyo Ciraaq, kuwaas oo ku biiray ururka Daacish.

Isha: Ekot
Samir Dualeh


 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".