Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kamuunada oo lacag aad u badan ku bixiya degaamaynta caruurta

La daabacay fredag 18 december 2015 kl 14.00
Caruurta kelnimada ku timaada Sweden
(1:41 min)
ensamkommande barn Foto: Claudio Bresciani/TT
Ilmo qaxooti ah oo keli socod ah. Sawirle: Claudio Bresciani/TT

Maamulo degmooyin oo badan ayaa lagu khasbaa in ay lacag aad u badan siiyaan shirkadaha gaar loo leeyahay ee daryeela, caruurta waddanka kelinimada ku timaada.

Sidaa waxaa daaha ka fayday baadhitaan uu sameeyay telefeshinka qaranka ee Sweden, ee SVT. Baadhitaanka ayaa lagu ogaaday in shirkadu lacag ka badan boqolkiiba 30% ay saartaan, in ka badan inta Laanta Socdaalku ugu talo gashay.

Eric Semb, oo madax ka ah qayb ka mid ah waaxda maamulka bulshada ee degmada Halmstad ayaa sheegaya in qiimahan uu aad u sareeyo, balse hadda aanu jirin xal kale.

 

-Si kedis hadda waxaa ii muuqata in aanan garanayn meel aan ka helayo degaaan. Halmstad ayaa ka mid ah 21 maamul degmo oo baadhitaanka laga sameeyay. Degmadan oo ku talo gashay in ay qaabisho 37 caruur ah, ayaa ilaa hadda qaabshay in ka badan 150, middaan ayaa sababtay in ay adkaato in hoy loo helo caruurtan. Middaas oo khasab ka dhigtay in maamulada degmooyinka ay lacag qayrul caadi ah siiyaan shirkadahan gaarka loo yahay.

Maamulka degmada Halmstad ayaa tusaale ahaan hadda maalintii halkii ilmo wuxuu ku bixiya lacag gaadhaysa 2,600, lacagtaas oo si toos ah ugu dhacda shirkad ka mid ah kuwa gaarka loo leeyahay.

-Haddii xaalku sidaa ku socdo, markaa maamul degmo oo kasta wuxuu bixinayaa lacag aan loo baahnayn. Sidaa waxaa leh Eric Semb oo ka hawlagala maamulka degmada Halmstad, qaybta arrimaha bulshada.

Si kastaba ha ahaate, maamulka degmada Halmstad ayaan ahayn midka qudha ee lacag sidaa u badan ku bixiya degaamaynta caruurta kelinimada ku timaada waddankan, balse telefeshinka SVT baadhitaanka uu ka sameeyay dhamaan gobolada dalka Sweden ayaa lagu ogaaday in lacag qayrul caadi ahi, ay ku baxdo degaamaynta caruurta ay daryeelaan shirakada gaarka loo leeyahay.

Isha: SVT
Samir Dualeh

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".