Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hawaddii ugu kululeeyd muddo 40 sannadood

La daabacay måndag 21 december 2015 kl 11.05
Kuleeyl aan caadi ahayn
(1:13 min)

Cimiladii ugu kululayd bisha diseembar ee dalka Sweden muddo 40 sannadood ah ayaa shalay la cabirey.

 

Magaalada Fårösund ee carriga Gotland ayaa lagu cabirey cimilo gaarsii-san 13,6 digrii oo kuleeyl ah. Iyada oo dhanka kalena goobo badan oo dalka ka mid ah uu ka jiro kuleeyl aan lagu baran bisha diseembar ee gabagabada sannadka.

Marie Staerk waxay ka howl-gashaa hayadda cabirka hawada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno SMHI:

- Hawo waxaa iminka jirta kuleeyl ah, middaasina oo oo ah hawo cufan oo nooga timid dhanka Isbaaniya. Goobaha ugu kululina ey yihiin nawaaxiyada Svealand iyo Götaland. Ugu yaraan 40 magaalo ayuu ka jiraa kuleeyl aan horay haddahaayaa looga baran dalka. 

Cimiladii gu kululeeyd ee bisha diseembaar ee Sweden laga cabiro ayaa gaarsiisnayd 13,7 digrii oo lagu cabiray magaalada Simrishamn oo dhacda gobolka Skåne sannadku markuu ahaa1977.

Isha/ Ekot

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".