Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ciidanka ammaanka oo taageero ka dalbaday milateriga

La daabacay måndag 21 december 2015 kl 13.29
Howlo culus ayaa ciidanka hor yaal
(1:15 min)
Taliyaha ciidanka ammaanka Dan Eliasson. Sawirle: Janerik Henriksson/TT
Taliyaha ciidanka ammaanka Dan Eliasson. Sawirle: Janerik Henriksson/TT

Ciidanka ammaan ayey howlo culusi la soo gudboonaadeen oo salka ku haya qaxootiga faraha badan ee dalka soo galey iyagoona dalab taageero ka codsaday ciidammada qalabka sida iyo sidii howlaha loola maareeyn lahaa, isla-markaana culeeyska looga dhimi lahaa, sida uu sheegay taliyaha ciidanka ammaanka Dan Eliasson:

- Howlaha uu ciidanka ammaanku taageerada uga codsneyo ciidammada qalabka sida ayey ka mid yihiin dhanka ilaalinta xudduudaha, ilaalada goobaha muhiimka ah ee ciidanka boliiska ey howlihiisu ka mid yihiin, dhanka gaadiidka iyo wixii la mid.              

Taliyaha ciidanka ammaanka Dan Eliasson ayaa carrabka ku adkeeyay in taageerda ey ciidammada qalabka sida uga baahan yihiin aaney ahayn mid ciidan ama qalabeed. Isagoona intaa raaciyay iney haddaba wada-hadal u socdaan hoggaanka ciidammada qalabka sida, kuwaasina oo ku socda jawi wanaag-san.

 Isha/ Ekot

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".