Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Jiritaanka garoonka Bromma oo dib looga laabtay

La daabacay tisdag 22 december 2015 kl 14.48
Garoonka Bromma
(1:56 min)
Anders W Jonsson . Sawirle: TT
Anders W Jonsson . Sawirle: TT

Dawladda ayaa go’aan ku gaartay in la joojiyo go’aankii baarista ee garoonka diyaaradaha ee xaafadda Bromma ee la xiriiray xiritaankiisa iyo in kale. Anders Sundström, waa isuduwaha howshaa:

- Waxaan qabaa in arrinkani uu wanaag-san yahay. Iminka waxaa muuqata in howsha dhabta ah diiradda la saarey, lagana baxay dooddii ahayd ma la xiriira garoonka Bromma, mise waa la daayaa. Iyadoona loo gudbay sidii looga xaajoon lahaa tayada garoommada nawaaxiga Stockholm.

Bishii diseembar ee sannadkii tagay 2014 ayay ahayd kolkii Anders Sundström loo caleema saaray inuu baaris ku sameeyo garoonka dayuurradaha ee xaafadda Bromma, middaasina oo looga gol lahaa xiritaanka garoonka iyo jiritaankiisa. Fikirkaasina oo uu soo jeediyay xisbiga Miljöpartiet iyo sidii goobta garoonka looga dhisi lahaa guryo la dego. Halka iminka howlaha baaraha Anders Sundström loo rogay inuu baaris ku sameeyo xaaladda tayo ee gaadiidka duulimaadyada nawaaxiga Stockholm iyo kor u qaadista dhismaha deegaannada.

Xubnaha baarlamanka dalka ayey badankood ka soo hor-jeedaan xiritaanka garoonka, kuwaasina oo kala ah afarta xisbi ee garabka midig Alliansen kuwa loo yaqaanno iyo xisbiga SD. Iyadoona ey xisbiyadaasi laba jeer oo hore qeylo dhaan arrinkaa ka bixiyeen.  Iyo in dawladdu di buga laabato baarista jiritaan ee garoonka dayuurradaha ee Bromma.

Isha/ Ekot

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".