Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Haweenay noqota wasiirka arrimmaha dibadda ee ugu horreeysay

La daabacay måndag 28 december 2015 kl 12.52
Haweenaydii ugu horreeysay oo xisbi hoggaamisa
(2:14 min)
Karin Söder iyo Annie Lööf. Sawirle: TT
Karin Söder iyo Annie Lööf. Sawirle: TT

Haweenaydii ugu horreeysay ee hoggaamiye ka noqota xisbiyada baarlamanka xubnaha ku leh, Karin Söder, ayaa ku geeriyootay da’da 87 jir.

Gabagabadii sannadihii siddeemeeyadii ayay Söder hoggaamiye ka ahayd xisbiga Dhexe ee afka iswiidhishka lagu yiraahdo – Centerpartiet, iyada oo sidoo kale muddo sannado ah noqotay haweenaydii ugu horreeysay dalkan Sweden ee qabata jagada wasiirka arrimmaha dibadda Sweden.

Hoggaamiyaha xisbiga Center-ka ee iminka Annie Lööf ayaa ku qiimeeysay jagadii wasiirka bulshada ee Karin Söder ay sidoo kale horay u soo qabatay, halkaasina oo ay hir-gelisay is-bedello wax ku ool ah oo ey ka mid ahaayeen saqafka dhaqaalaha lagu bixiyo dawadda iyo caafimaadka iyo sidoo kale in qoska leh dhowr carruur ah la siiyo dhaqaalaha reerka lagu kabo ee ilmaha oo dheeri ah:

- Siyaasad ahaan waxaa lagu xusuusan doonaa howlihii ay ka qabatay dhanka sinnaanta iyo xuquuqda bulshada iyo qooysaska, qaasatan kuwooda uu dhaqaalahoodu liito.

Shakhsi ahaan kolka laga hadleyo waxay Karin Söder ahayd dhextaal, sida ay sheegtay Annie Lööf, iyo ceel culuunta laga dhaansado. Iyadoona xitaa kolkii ay siyaasadda ka fariisatay gacan ballaaran ka geey-san jirtay hor-marka fikireed ee xisbiga illaa ay ka dhimatay.

Inay noqotay haweenaydii ugu horreeysay ee hoggaamiye noqota, waxay dhabbada u xaartay kuwii ka dambeeyey, sida ay sheegtay Annie Lööf:

- Kolkii loo magacaabay haweenaydii ugu horreeysay Sweden ee noqota wasiirka arrimmaha dibadda Sweden ayaa ahayd tallaabo hor leh. Karin Söder ayaa u howl-gashay sidii ay nolosha ugu sahli lahayd wasiirradii ka dambeeyey.

Isha/ Ekot

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".