Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Johansson: Xabaasha ha lagu rido heshiiskii Dablin

La daabacay tisdag 29 december 2015 kl 15.00
Heshiiskii Dablin oo muran uu ka taagan yahay
(1:48 min)
Wasiirka socdaalka Morgan Johansson. Sawirle: Jessica Gow/TT och Anders Wiklund/TT
Wasiirka socdaalka Morgan Johansson. Sawirle: Jessica Gow/TT och Anders Wiklund/TT

Xaaladda adag ee EU ku sugan tahay ee dhanka qaxootiga ayaa sababtay in xeerkii Dublin ee u deg-sanaa, kaasina oo oranayay in dalka ugu horreeya ee shakhsigu soo caga-dhigto uu xaq ugu leeyahay in lagu qaabilo uu shaqeeyn waayay.

Keliya 15% ee 150 000 ee Sweden soo galey horey looga soo qaadey faro intii aaney Sweden iman.

 

Middaasina oo culeeys ballaaran saartay labada waddan ee Sweden iyo Jarmalka oo qaxootigii badankood soo gaareen, kana codsadeen magan-gelyo.

Wasiirka socdaalka ee dalka Sweden Morgan Johansson ayaa iminka soo jeediyay in heshiiskaa gebi ahaanba meesha laga saaro laguna bedelo heshiis ey waddammadu si siman ugu qeeybsaneyaan soo-galootiga Yurub EU soo gaara.

- Waxaad imanaysaa xadka hore ee EU, halkaasina oo aad magan-gelyo ka dalbaneeyso, iyadoona dabadeed laguu diri doono waddan aan weli saamigiisii dhammeeystirin sida qeybtu ahayd.

Horraanta sannadka foodda innagu soo haya ayaa la fileyaa in hoggaanka ururka EU uu la yimaado qorshe cad ee wax looga bedeleyo heshiiskii Dablin. Waddammada u qaabilaadda badan ee soo-galootiga, Sweden, Jarmalka iyo Awstriya ayaa sida waddammada Talyaaniga iyo Giriigga aamin-san in gebi ahaan la baabi’iyo heshiiskii Dablin laguna bedelo inuu shakhsigu iska dhiibo waddanka ugu horreeya, dabadeedna ey si siman waddammadu u qeeybsadaan.

Hase yeeshee dhammaan waddammada kale ayaa taabac-san in heshiiskaasi uu halkiisa ka sii jiro.

Isha/ Ekot

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".