Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hoggaanka EU oo isugu yeeray Sweden iyo Danmark

La daabacay torsdag 7 januari 2016 kl 14.24
Wasiirrada socdaalka ee Sweden iyo Danmark Morgan Johansson iyo Inger Støjberg oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada barugsell. Sawirle: Geert Vanden Wijngaert/AP/TT
Wasiirrada socdaalka ee Sweden iyo Danmark Morgan Johansson iyo Inger Støjberg oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada barugsell. Sawirle: Geert Vanden Wijngaert/AP/TT

Wixii ka dambeeyay go’aammadii uu maamulka Sweden ku gaaray in kontrool lagu soo rogo rakaabka la socda gaadiidka dalka xuduudihiisa soo gaara iyo iney sitaan waraaqo aqoonsi oo sidoo kale uu dalka Danmark tallaabo middaa la mid ah ku tallaabsaday ayuu maamulka ururka EU kulan isugu yeeray magaalada Brugsell xubno wasiirro ee ka socda waddammada Danmark, Jarmalka iyo Sweden. Wasiirka socdaalka Sweden Morgan Johansson ayaa kulankaa dabadii sheegay inuu kulanku ahaa mid lagu garwaaqsaday sababta kalliftay tallaabada Sweden ku kalliftay inay ku dhaqaaqdo.

Kulanka ka dhacay magaalada Brugsel ayaa lagu sheegay in hoggaanka EU-du u dhaga nuglaaday go’aanka ay dawladda Sweden ku gaadhay in kontrool xuduuddeeda lagu soo rogo iyo in dib loogu laabto kolka ay suurtagal noqoto xaalad caadi ah oo xuduudduhu furan yihiin. Halka uu dhanka kale hoggaanka maamulka EU-du sheegay inay indhaha ku hayn doonaan go’aanka dawladda Sweden.

Isha/ ekot, svt

                                                            kenadid.mohamed@sr.se

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".