Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Madaxa xafiiska medborgarkontoret oo la tuhunsanyahay

La daabacay torsdag 7 januari 2016 kl 11.51
" Laba casho ka hor ayuu shaqeeynayay"
(1:53 min)
Xafiiska medborgarkontoret. Sawir: Kenadid Mohamed/SR
Xafiiska medborgarkontoret. Sawir: Kenadid Mohamed/SR

Hogaamiyaha medborgarkontoret ee xaafada Spånga-Tensta ayaa lugu tuhmaya in u dhowr jeer inuu falal anshax-xumo ku sameeyay gabadh halkaas ka shaqeeysa. Arrinkan oo ay gabadhani dabeetana booliska ula tagtay, dacwad na ka gudbisay. Xafiiska medborgarkontoret oo baadhitaan arrinkan ku saabsan wada, ayaa hogaamiyahan shaqada ka xannibay.

Baadhitaankan ayaa ku saabsan warbixin la xidhiidha bey´adda shaqada , arbetsmiljörapport, oo na soo gaadhay. Kan ayaan ka akhrinay shaqaale ku dhibaateeysan xafiiskan oo caawimaad ka helay dhakhtarka cilmiga nafsiga ee psykolog loo yaqaano, hasayeeshe cadeeyneyn in u xidhiidh la leeyahay gabadhan, madama u xafiiskani diiday in ay warbixin intaas ka badan dhiibaan.

Hasayeeshe waxaa  Raadiyaha Iswiidhan laanta afka soomaaliga ah soo gaadhay dacwadii booliska oo cadeeynaysa in ay gabadhani ashkato faraxumeyn ah ka gudbisay hogaamiyaha medborgarkontoret.

Islamarkaas ayuu hogaamiyahani gudoomiye ka yahay jaaliyada soomaalida ah ee loo yaqaano somaliska riksförbundet. Raadiyaha Iswiidhan ayaa dhowr jeer isku dayday in ay wareeysi la qaataan hogaanka ururka, balse jawaab helin.

Hasayeeshe Moa Fahlander oo halkaas ka shaqeeysa ayaa cadeeysay in gudoomiyaha faraxumeeynta lugu tuhmay labo casho ka hor ka shaqeeynayay jaaliyadda soomaalida ee Iswiidhan, weli na gudoomiye ka yahay.

Cusboonaysiin:
Xeer ilaaliyaha ayaa go’aamiyay in dawadda hoos loo dhigo, iyada oo bishii noveembar sannadkii 2016 ay maxkamadda degmadu go’aan ku gaartay in dembi lagu waayey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".