Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ganacsiga suuqa madow oo kireeynta guryaha ku soo kordhay

La daabacay fredag 8 januari 2016 kl 10.08
"Degmooyinku ma baadhi karaan"
(2:06 min)
Foto: Henrik Montgomery TT/ Skärmdump Boverkets hemsida.
Foto: Henrik Montgomery TT/ Skärmdump Boverkets hemsida.

Guryo l´aanta ka jirta waddanka ayaa keentay in ay qaxootiga waddanka ku cusubi ganacsiga suuqa madow isticmaalan marka ay guryaha kireeysanayaan.

Lacagtan ayaa islamarkaas ka timaada degmooyinka oo masruufta dadkan. Degmooyinka ayaa la socda in ay lacagtoodu ganacsiga suuqa madow gasho, hasayeeshe wax ka sameeyn arrinkan.  

Sidaas waxaa sheegay baadhitaan ay heeyada hooyga ee Boverket  sameeysay.

Mikael Nilsson ayaa ka hawlgala heeyadan kana mid ah kuwa baadhitaankan soo saaray. Wuxuu u jeeda in ay degmooyinka raqiis u tahay in ay lacagta siiyaan qaxootiga dabeetana ay iyagu guryo keli raadsadan.

-Degmooyinku xall kale u ma hayaan dadkan, mana doonayaan in ay guryo l´aani hesho. Hadii hodheelo amba albeerkooyin la dejin lahaa na, lacag badan ayey ku noqon laheyd degmooyinka. Marka xallka degmooyinka ayaa ah in kaalmadan dhaqaale la siiyo dadkan, dabeetana iyagu keligood raadsadaan guryo, hadii ay ka helaan ganacsiga suuqa madow amba meel kale iyaga ayey jirta, ayuu sheegay.

Dhanka kale ayuu baadhitaankani sheegaya in ay kaalmada dhaqaale ay degmoyiinku qaxootiga siiyaan dambilayasha, waxaa af iswiidhishka lugu yidhaahdo kriminella gäng, gaadho, madama ay guryahan kireeyan.

-Degmooyinka ma baadhaan halkey lacagtani tagto, waxaa dhaci karta in ay qaxootigu koxahan guryaha ka kireeystaan.

In u arrinkani jiro ayey Marianne Olsson oo hogaamiye ka ah xaafada Angered ee magaalada Göteborg, cadeeysay.

Xafiiska caaydha, socialtjänsten oo ay lacagtani ka timaado ayaan loo ogoleeyn in ay kontoroolaan dadka ay qaxootigani guryaha ka kireeystaan madama badanka guryahani yihiin kontraaktyo gacan labaad ah.

Baadhitaankan ayaa ku saabsan warbixin ay qaxootigu u dhibeen heeyada socdaalka, xafiiska shaqada iyo degmooyinka.





Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".