Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

15 jir muddi lagu dilay

La daabacay tisdag 12 januari 2016 kl 11.57
Göingeskolan
Foto: Johan Pettersson/Sveriges Radio

15 sanno jirkii isniinta muddi sida xun loogu dhaawacay iskuulka Göingeskolan degmada Broby ayaa u geeriyoodey dhaawacii muddida.

14 sanno jir lagu tuhmayo in uu falkan geystay ayaa boliska gacanta ku dhigeen.

Waxay aheyd shalay oo isniin aheyd xilliga qadada markii wiilka 15 sanno jirka ah muddi lagu dhaawacay isaga oo ku sugan iskuulka Göingeskolan degmada Broby oo ku taala waqooyiga gobolka Skåne. 15 sanno jirka ayaa markii la dhawaacay kaddib ambulans lagula cararay oo la geeyey isbitaalka laakiin ma suurogelin in la badbaadiyo nalashiisa oo dhaawacii ayuu u geeriyooday. Deeganka uu inanka ka soo jeedo ayaa waxaa laga hirgeliyey guddi gacan u fidiya dadka murugada ay geerida wiilkan u keentay, maanta deegaanka waxaa lagu qabanayaa baroordeeq lagu xusayo wiilka geeriyoodey.

 Weli lama cadeynin sababta muddi loogu dooxay inanka sida uu sheegay afhayeenka boliska deegaamada koonfurta, Jimmy Modin.

- Waxay tuhmeynaa in ay ka danbeysay dagaal ka dhaxeeyey inanmada oo faraha ka sii baxay, laakiin dagaalka u dhaxeeyey labada inaan waxuu ku sabanyahay ma  nooma cadda weli, auu yeri

 

Källa: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".