Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Wiil 15 jir ah dacwad faroxumeyn loo maxkmadeynayo

La daabacay tisdag 12 januari 2016 kl 12.24
We are Stockholm festival in Kunsträdgården, 2015. Photo: Alexander Tillheden / Handout / TT
We are Stockholm festival in Kunsträdgården, 2015. Photo: Alexander Tillheden / Handout / TT

Will 15 sanno jir ah ayaa maxkamad la soo taagay oo loo heysto faroxumeyn iyo garaacis uu u geystey gabadh 14 sanno jir.

Faroxumeynta iyo garista ayaa sida dacwad ku xusan ka dhacday bandhig xafladeedka dhalinyarada ee We are Sthlm dhamaadkii xagaagii hore. Sida xeer’illaaliyaha laga soo xigtay wiilka la eedeynayo ayaa gabadh taab taabsaday kadiibna markii mid kale gabdha u soo hiilisay madaxa ku dhuftay, sida uu weriyey wargeyska Dagens Nyheter.

Wiilka dacwadiisa ka billaabatay maxkamada hoose ee Stockholm tingsrätt. Wiil la heysto ayaa ku tilmaamay eedeymaha loo jeedinayo in qof kale lagu qalday oo si qalad ah loo farmaquuqay.

 

 

Källa: DN, P4 Stockholm

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".