Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dood saaka ka dhacday xarunta baarlamanka

La daabacay onsdag 13 januari 2016 kl 13.18
Wasiirka socdaalka Morgan Johansson oo ereyo ey is dhaafsanayaan xildhibaanno.  Sawirle: Beatrice Ask / TT.
Wasiirka socdaalka Morgan Johansson oo ereyo ey is dhaafsanayaan xildhibaanno. Sawirle: Beatrice Ask / TT.

Dooddii ugu horreeysay ee hoggaamiyeyaasha xisbiyada baarlamanka dalka oo saaka ka qabsoomay xarunta baarlamanka ee dalka Sweden ayey xisbiyadu isku dhaafsadeen su’aalo la xiriira arrimmaha soo galootiga, halkaasina oo qaar ka mid ah xisbiyadu ey kaalintii ey ka taagnaayeen arrimmahaa uu is-bedel kaga dhacay wixii ka dambeeyay dooddii middan ka horreeysay ee dhacday bishii oktoober ee sannadkii ina dhaafay.

Tallaabadii ugu horreeysay ee doodda hoggaamiyeyaasha Stefan Löfven (S) iyo (M) Anna Kinberg Batra ayaa salka ku haysay falalka fara-xumeeynta.

- Gabar iyo haween walba oogadeedu waa mid iyada u khaas ah. Waa iney xuquuq u yeeshaan iney mari karaan goobtii ey doonaan kolkii ey doonaan iyaga oo aan wax ey ka cabsi qabaani jirin habeen iyo maalin. Ciddii fal dembiyeed noocaasi ah ku kacdana ciqaab ey muteeysato, waana fikir ey ereyadooda ku bilaabeen saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha siddeeda xisbi ee xubnaha ku leh baarlamanka dalka Sweden.

Hoggaamiyaha xisbiga M ayaa ka digtay in ciidanka ammaanka ey howlahoodu ku saleeysnaadaan siyaasad, falalkii dhacdooyinkaa la xiriireyna aaney ahayn kuwo loo du qaadan karo.

- Marna ma dhici karto in cidi aqbasho falalka noocani oo kale ah. Waana in cid waliba kalsooni ka qabtaa in ciidanka ammaanku u gudaneyaan howlahooda sidii looga baahnaa iyada oo aan la siyaasadeeyn. Waana xaalad halis ah haddii la lumiyo kalsoonida ciidanka ammaanka, sida ay sheegtay Anna Kinberg Batra.

Isha/ Ekot

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".