Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dacwadii booliska oo weli ku socota gudoomiyaha jaaliyada soomaalida

La daabacay onsdag 13 januari 2016 kl 13.38
Booliska: dacwadii hoos looma dhigin
(1:37 min)
Xafiiska medborgarkontoret. Sawir: Kenadid Mohamed/SR
Xafiiska medborgarkontoret. Sawir: Kenadid Mohamed/SR

Sidaan todobaadkii hore idinla socodsiinay in madaxa xafiiska medborgarkontoret lugu tuhunsanyahay in u gabadh halkaas ka shaqeeysa ay ku eedeeysay fal anshax-xumo. Warbixin dhowr qof oo kala duwan ka timid, soona gaadhay idaacada, ayaa cadeeysay in ay tiradani tahay saddex gabdhood ama qodobbo kala duwan. Islamarkaas ayey dacwadii booliska sii socota.

Shakhsigan ayaa islamarkaas gudoomiye ka ah jaaliyada soomaalida ee somaliska riksförbundet oo sabtidii ina soo dhaaftay arrinkan ka shirtay. Shirkan oo u gudoomiyaha la tuhunsanyahay ka soo qeeyb galay, kana sheegay gudiga jaaliyadan in ay hal gabadh aheeyd, gabadhan ayaa dabeetana isaga raaligalisay, waa sida u isagu hadalka u soo dhigay. Islamarkaas ayuu shirkan ka sheegay in u boolisku dacwadan hoos u dhigay. Warbixintan ayaanu ka helnay dhowr qof o ka mid ah gudiga jaaliyada soomaalida. Shalay salaasadi ayuu boolisku cadeeyay in dacwadan hoos loo dhigin oo ay weli socoto.

Raadiyaha Iswiidhan laanta afka soomaaliga ayaa dhowr jeer isku dayday in ay wareeysi la qaadato shakhsiga la tuhunsanyahay, oo isniinti nugula ballamay xafiiska medborgarkontoret ee spånga- tensta, hasayeeshe aan ka waayey. Shalay oo iugu dambeeysay aayuu noo ballan qaaday wareysii, hasayeeshe u dib uga laabtay iyada oo aan wax cadeeyn ah laga helin.

Maantada lafteeda waxaan isku daynay in aanu la xidhiidhno, wax jawaab ah na kama hayno.

Cusboonaysiin:
Xeer ilaaliyaha ayaa go’aamiyay in dawadda hoos loo dhigo, iyada oo bishii noveembar sannadkii 2016 ay maxkamadda degmadu go’aan ku gaartay in dembi lagu waayey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".