Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Maamulka Stockholm oo la dhaleeceeyneyo

La daabacay onsdag 13 januari 2016 kl 13.47
.
صورة لأحدى الفعاليات في مهرجان We Are Sthlm والصورة من TT

Hoggaanka magaalada Stockholm ayaa dhowr sannanadood la socday falalka fara-xumeeyn ee lagula kaco hablaha ka qayb gala xafladda sannadlaha ee lagu magacaabo We are Sthlm, hase yeeshee shaqaalaha xafladdaasi ku war-geliyey ama ku amray in aan dareen ballaaran la gelin si aanay abaabulka xafladda u dhibaateeyn, sida uu baaritaan ku ogaaday war-geeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter.

War-geeyska DN oo ey gacantiisa soo gashay dhambaallo la isugu direy aaladda internetka iyo qoraalladii kulammo laga yeeshey xafladda intii lagu guda jirey xilligii kuleeylaha ayay ka caddaatay in falalkaa fara-xumeeyni noqdeen kuwo si ka sii caqli badan kana haliseey-san loo isticmaalo, sida uu hoggaanka ammaanka ee xafladdaasi qoray. Halka dhanka kale ey tiro ahaan kor u kaceen falalka noocaasi ahi sida ay sheegtay.

Isha/ DN

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".