Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wasiiradda arrimaha dibadda Swden oo laga mamnuucay Israel

La daabacay torsdag 14 januari 2016 kl 12.07
"Wallström xiriirka labada dal bay xumeysay"
(4:27 min)
.
Wasiirka arrmaiha dibadda Sweden Margot Wallström

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Israel Tzipi Hotovely ayaa arbacadii ku dhawaaqay in siyaasiinta Sweden ay mamnuuc ka tahay in ay booqasho ku tagaan dalka Israel, sida uu weriyey wargeyska Times Of Israel.

Laakiin sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Israel oo sii cadeynaysay hadalka wasiirka ku xigeenka ayaa sheegtay in mamnuucidda ay quseyso keliya wasiirka arrimaha dibadda Sweden Margot Wallström, arrintan oo sidoo kale sii cadeeyey afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Israel Emmanuel Nahshon:

- Hadalka wasiir ku xigeenka (av Tzipi Hotovely) waxuu quseeya keliya Margot Wallström, waxaana u sabab ah hadaleeda qalafsan ee ka dhanka ah Israel. Waxaa rabaa in aan cadeeyo. Ma jiro siyaasi reer Sweden ah oo aan ka aheyn Margot Wallström oo aan dhib ka tirsaneyno. Waxaa keliya ee dhibaata nagu haya hadalada carada leh ee amr kasta ka soo yeera Margot Wallström, ayuu yeri.

Arrintan ayaa timid kadiib markii wasiirka arrimaha dibadda Sweden ay caalamka ugu baqdey in la baaro dilalka sharci la’aanta ah ee ay ciidamada militeriga Israel kulo kacaan dadka falastiniyiinta . balse baaqaan keli kuma ahan Margott Wallström, xataa madax sare oo arrimaha dibadda u qaabilsan Komishinka EU ayaa baaritaan in lagu sameeyo arrinka horey ugu baaqay. Madaxda koshika EU in la baaro Israel horey ugu baaqay waxaa ka mid ah Federica Mogherini oo arrimaha dibadaxda koshika EU in la baaro Israel horey ugu baaqay waxaa ka mid ah Federica Mogherini oo arrimaha dibadda iyo amniga u qaabilsan komishinka-eu.

Laakiin Emmanuel Nahshon afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa ku eedeeyey Margot Wallström in ay ku waalatay Israel.Halka Komishinka EU ay sida Israel wax u arkaan.

- Waxay dalbaneysaa baaritaan lagu sameeyo waddan demokarati ah oo asaga markasta isbaara. kräver en utredning i ett demokratisk land som utreder sig själv hela tiden. Federica Mogherini iyada marar badan ayey sheegtay in ay ka so horjeedo rabshada ay falastiiniyiinta ku kacaan iyada marar badan ayey sheegtay in ay ka so horjeedo rabshada ay falastiiniyiinta ku kacaan ayna dhibaatada oo dhan ka masuulyahiin cadaawad ay falastiniyiinta horenayaan, laakiin Wallström wey iska indhotirtay rabshadaha ay Israel dhibanaha u tahay, ayuu yeri.

"Israel waxay dhamaan albaabada ka xiratay booqashooyinka rasmiga ah ee saraakiilsha dowladda ku tagi karaan Israel", sida uu ka ay dhawaajisey ku xigeenka arrimaha dibadda Israel Tzipi Hotovely. Laakiin Emmanuel Nahshon afhayeenka wasaradda arrimaha dibadda Israel middas hoos u dhigay.  Inkastoo uu sheegay in hadalada Margot Wallström ee k dhanka ah Israel ay u saameyn aan wanaagsaneyn madaxda kale ee dowladda Sweden:

- Waxan iskudeyeynaa in aan kalo saarno xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Sweden iyo Israel iyo hadalada wasiirka arrimaha dibadda Walström. Laakiin nasiib wanaag hadaladeeda waxay sumeynayaa oo haleynayaan xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labadeena dal, ayuu yeri.

Wasiirka ku xigeenka arrimaha dibadda Israel ayaa sheegtay in xirirka labada waddan uu sannooyinkii ugu denbeeyey sii halaabayey, loona turjuman karo hadalka Margot Wallström in ay taageersan tahay argagaxisada. Afhayeen Emmanuel Nahshon ayaa asaguna middas aaminsan.

- Halkii ay argagaxisada weerari laheyd annaga ayey na weerartaa, taas ka micno noqon karta argagaxisada falalkooda ku kaci karaan cinqaab la’aan, taasna waa mid qatarteeda leh, ayuu yeri.

Ra’iisalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo shalay arrintan ka hadlayey ayaa sheegay hadalkeeda wasiir ku xigeenkiisa uusan u warheynin lalana socodsiinin.

Radio Sweden ayaa la xiriiray wasaaradda arrimaha dibadda Sweden si aan wax uga weydiino arrimahan, laakiin wasaaradda ayaa ka gaabsatay ka hadalka arrintana, wasaaradduna waxay sheegtay in aysan war rasmi ah oo arrinkan ku sabsan la soo gaarsiinin aan ka ahyen wararka saxaafadda.   

 

 

Källa: Times of Israel

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".