Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhaca kombiyuuterka oo kor u kacay

La daabacay fredag 15 januari 2016 kl 11.04
Falalka khiyaamooyinka
(1:28 min)
Kaarka lacagta iyo kombiyuutar. Sawirle: FREDRIK SANDBERG / TT
Sawirle: Fredrik Sandberg/TT.

Dhaca la isugu geeysto aaladda kombiyuutarrada ayuu kor u kiciisu halkiisii ka sii socdaa. Falalkaa noocaasi ah ayaa kor u kacay 50% sannadkii ina dhaafay ee 2015, kolka loo barbar-dhigo sannadkii midkaa ka horreeyay ee 2014. Middaasina oo laga ogaaday xarunta dhexe ee ka hor-tagga khiyaamooyinka ee ciidanka ammaanka.

Khiyaamooyinka ugu badan ee ka dhaca kombiyuutarrada ayaa la xiriira ganacsiga shirkadaha internet-ka looga ganacsado ee lagu magacaabo

e-handelföretag, kuwaasina oo inte khiyaamo lagu galo lala baxo koontooyinka macaamiisha ee shirkadahaa oo isla-markaana ku ganacsada macaamiisha akhbaarahooda. Shantii sannadood ee ugu dambeeyey ayey kor u kaceen khiyaamooyinka noocaas ahi 237 boqolkiiba sida ku cad tira-koobka ciidanka ammaanka .

Nina Jelver waa saadaaliye ka howl-gasha xarunta dhexe ka hor-tagga khiyaamada ee ciidanka ammaanka:

- Waa kor u kac aad u ballaaran. Waa caqabad ballaaran mar haddii ey falalkaasi sidaa xawliga ah kor ugu kacayaan oo aan la garan karin sidii laga yeeli lahaa.

 Macmiil ahaan sidee looga taxadari karaa?

- Adiga macmiil ahaa waxaad la xiriiri kartaa bangigaaga oo aad waydiin kareeysaa ammaanka uu leeyahay kaarkaagu.

 Isha: Ekot

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".