Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaxootiga oo soo yaraanaya

La daabacay fredag 15 januari 2016 kl 11.15
"Kuleeylaha ayey sugayaan"
(2:39 min)
Två kvinnor och ett barn ser förtvivlade ut. De befinner sig inne i en kal byggnad.
Syriska flyktingar. FOTO UNICEF, KATE BROOKS

Tirodii qaxootii ee Iswiidhan sharci ka codsata ayaa soo yaraanaysa, sharciga cusub ee ah in kaadhka aqoonsiga laga codsado dadka tareemada bassaska amba doomaha Iswiidhan u soo raaca ayaa ka mid ah sababaha ay tirodaani hoos ugu degtay.

Taas waxaa cadeeyay Christer Zettergren oo ka hawlgala heeyeda socdaalka ee migrationsverket.

-Markuu qaboowgu yimaadu qaxootigu weey soo yaraadaan. Bisha abriil iyo may na wey soo bataan, madama u tahriibku kuleeylaha u fudud yahay. Waa in aanu ku talo galno in ay qaxootigii faraha badnaa soo laaban karaan, ayuu sheegay Zettergren.

4 bisha jannaio sannadkan ayey dawladda Iswiidhan sharci cusub soo dejisay, kan ayaa lugu talo galay in u qaxootiga dhimo, shuruud na looga dhigay in ay kaadh aqoonsi ah haystaan marka ay doomaha tareemada amba bassaska Iswiidhan ku soo socda raacayaan.

Ilaa iyo waagi sharcigan la dhabeeyay ayey tirodii qaxooti ee Iswiidhan sharci ka codsata hoos u degtay, Sbuuci intii aan la dhabeeyn sharcigan ayey qaxootiga halkan timaada hoos u dhaceen, 2000 oo qof, halkey todobaadkii ugu dambeeyay qaxootigu hoos u dhaceen, 1000 qof. Markii ay tirodani ugu sareeysay 10 000 oo qaxooti ayaa todobaad kasta Iswiidhan iman jiray.

In kaadhka aqoonsiga dadkan lugu xidhay ayaa ka mid ah sababaha ay qaxootigu u soo yaraanayaan, ayuu sheegay Anders Danielsson , madaxa heeyada socdaalka.

-Waxaa sababtay xaalada ka taagaan suuriya, turkiga, waddanka greek ,austriya iyo jarmalka iyo denmaarig oo shuruudaha qaxootiga ku sii adkeeysay, ayuu sheegay.

In kasta oo isbedeladani saameeyn ku yeesheen qaxootigan, weli waxaa jira dad doonaya in ay yurub yimaadaan si ay nolol wanaagsan uga dhisdaan. Waxaa dhici karta in ay kuwaani dariiq kale ay u soo maraan Yurub helaan, tusaalahan in ay warqado been ah sameeystaan amba koxaha dambilayaasha ah caawimaad ka raadsadaan.

Christer Zettergen ayaa sheegay in ay heeyada socdaalka soo gaadhay warbixin ku saabsan in ay qaxooti faro badaani joogto waddanka Liibiya, kuwan ayaa sugaya in ay hawadu kululaato si ay u soo tahriibi karaan.

Bilowga bisha soo socota februari ayey heeyada socdaalka soo bandhigi doonta saadalista inta qaxooti ay iyagu filayaan Iswiidhan soo gaadhi doonta sannadka aanu ku jirno 2016.

-Wey soo yaraan karaan, waaney soo kordhi karaan, waa in aanu xaalad walba isku diyaarino, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Christer Zettergren.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".