Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bulshada oo dhan in loo suurtageliyo mooshin iney baarlamanka u gudbiyaan

La daabacay måndag 18 januari 2016 kl 09.50
Nidaamka dimoqoraadiyadda iyo horumarintiisa
(2:10 min)
Olle Wästberg guddoomiyaha guddiga baarista demoqoraadiyadda. Sawirle: TT.
Olle Wästberg guddoomiyaha guddiga baarista demoqoraadiyadda. Sawirle: TT.

Fikir ka mid ah fikirrada lagu soo ban-dhigi doono maanta baaristaama baaritaanka nidaamka dimoqoraadiyadda ayaa oranaya in dhammaan muwaadiniintareer Sweden ey fikir mooshineed u gudbin karaan baarlamanka. "Waa marwaxadshidi kari lahayd doodaha bulshada iyo dimoqoraadiyaddaba", sida uusheegay Olle Wästberg, ahna madaxa guddiga baaritaankan.

- Ciddii haysa fikir aad u adag oo ey dhici karto in dad badani taabici karaan waxay u heli lahayd aasaas ay ku ururiso magacyo waxay markaa ahaan lahayd nidaam tartan dimoqoraadiyeed. Halka dhanka kale ay dhici kari lahayd in xildhibaannaduna ey fikirrado ka heli lahaayeen bulshada ey matalaan.

Olle Wästberg ayaa ku magacaabay fikirkan mooshinnada bulshada, middaasina looga gol leeyahay in mooshinno ka bulshada ka yimid looga doodo baarlamanka, degmooyinka, iyo baarlamaannada gobollada, haddii bulshada dalka ku dhaqan ee xaqa u leh iney codeeyaan 1% ay fikirkaa la qabaan.

War-geeyska DN boggiisa doodda oo uu Olle Wästberg ku soo ban-dhigey fikirkan ayuu ku sheegay in mooshinnada bulshadu ay u sahli lahayd in shakhsiga codkiisa la maqlo iyo iney bulshadu miisaan u noqon lahayd ururrada iyagu u ololeeya xiisooyinka kala duwan iyo sidii fikirradoodu u socon lahaayeen. Su’aashuse waxay tahay siday u sahlanaan lahayd kolka laga hadleyo mooshinka qaran ee baarlamanka, kolka shakhsi looga baahdo inuu taageero ka helo 1% bulshada dalka ku dhaqan ee xaqa u leh iney codeeyaan?

- Xaqiiqdii waa suurtagal in ururradu middaa isticmaalaan, halka dhanka kale la oran karo wuxuu fikirkani u noqon lahaa miisaan iyo in shakhsi gaar ahi uu mooshinkiisa u soo bandhigi lahaa una arki lahaa inuu u heli karo cod ku filan, sida uu sheegay Olle Wästberg.

Baaritaanka dimoqoraadiyadda ayaa la soo ban-dhigi doonaa maanta saacaddu kolka ay tahay kowda duhur-nimo.

Isha/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".