Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iiraan oo laga qaadey cunaqabateeyntii

La daabacay måndag 18 januari 2016 kl 15.00
Cunaqabatayntii Iiraan
(2:10 min)
Hans Blix, madaxii hore ee hayadda caalamiga quwadda atoomikada oo ku sugan idaacadda Sweden. Agneta Ramberg, Ekot Katherine Zimmerman. Sawirle: Lena Wiktorin/Sveriges Radio
Hans Blix, madaxii hore ee hayadda caalamiga quwadda atoomikada oo ku sugan idaacadda Sweden. Agneta Ramberg, Ekot Katherine Zimmerman. Sawirle: Lena Wiktorin/Sveriges Radio

Waa guul u soo hoyatay diblamaasiyadda, isla-markaana hoos u dhigeeysa cabsidii laga qabay fidinta hubka quwadda nukliyerka iyo xaaladda bariga dhexe oo ka sii darta, sida ay sheegtay Margot Wallström, wasiirka arrimmaha dibadda ee dalka Sweden oo ka hadleeysay cunaqabateeyntii saarneeyd dalka Iraan oo laga qaadey.

Go’aanka ka qaadista cunaqabateeynta ayaa ka dambeeysay, kolkii hayadda atoomka ee Qarammada Midoobey ee IAEA ay caddeeysay in dalka Iiraan uu ka soo baxay shuruudihii ey saareen waddammada caalamku, si loo joojiyo suurtagalka in dalka Iiraan uu yeesho hubka nukliyerka, waana cabsi taagneeyd muddo 10 sannadood ah, inkasta oo maamulka dalka Iiraan uu intaa ku doodayay in mashruucaasi ahaa mid nabadeed iyo quwadda korontada.

Dawladda Iiraan ayaa bilihii ugu dambeeyey baabi’isay, dib u dhis ku sameeysay, furfurtay, isla-markaana iska wareejisay qalabkii iyo weliba inuu dalkaasi iska dhoofiyay kummanaan ton oo ah maadada Uran oo weliba laga shaqeeyey.

Dhammaan tallaabooyinkaasina waxay ka mid ahaayeen heshiisyadii qalanka uu dalka Iiraan kula duugey kuleeylihii sannadkii ina dhaafay lixda waddan ee adduunyada ugu quwadda badan uuna hor-kacayay dalka Mareeykanku.

Hans Blix, agaasimihii hore ee hayadda caalamiga ee quwadda Atomka ayaa sidan uga faalooday tallaabadan mar uu la hadlayay idaacadda la iska daawado ee SVT laanteeda wararka:

- Tallaabo wanaag-san ayaan u arkaa. Waana mid wanaag-san oo muhiim u ah mustaqbalka. Maamulka Mareeykanku wuxuu horay ugu hanjabay in quwad u isticmaali doono dalka Iiraan. Hanjabaaddaasina oo maanta meesha ka baxday.

 

Isha/ SVT Nyheter, Ekot, Regeringen

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".