Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Göteborg oo la liidata baraf

La daabacay tisdag 19 januari 2016 kl 10.15
Iskuulaadka lama tegin
(4:49 min)
Dahbbooyinka Götebor oo la xaaqayo. Sawirle: Thomas Johansson/TT och  Susanne Ehlin/SR
Dahbbooyinka Götebor oo la xaaqayo. Sawirle: Thomas Johansson/TT och Susanne Ehlin/SR

Baraf aan caadi ahayn oo ka da’ay magaalada Göteborg ayaa caqabad ballaaran u soo jiiday isaga gooshkii gaadiidka ee magaaladaasi gaar ahaan gaadiidka dad-weeynaha iyo tareeemmada oo aan qaar badan oo ka mkd ah aad wakhtigoodii di buga soo dhacay qaarka kalena la joojiyey. War-bixinno intaa dhaafsiisan waxaad ka daalacan karaysaa bogagga internet-ka ee shirkadda Västtrafik iyo bogagga shirkaaha kale ee ku howl-gala adeeegga gaadiidka dad-weeeynaha.

Sidoo kale waxay caqabad kala soo gudboonaatay garoonka dayuuradaha ee Landvetter ee galbeedka.

– Dhammaan waxaa istaagay duulimaadyadii iyo soo fariisashadii dayuurradaha ee garoonka Landsveter illaa iyo saaka siddeedii aroor-nimo sida ay illaa hadda u muuqato, sida uu sheegay Henrik Kelfve kana howl-gala laanta wararka ee shirkadda Swedavias mar uu la hadlayay hayadda wararka Sweden ee TT.

Kelfve ayaa intaa raaciyay in garoonku awood u leyahay inuu baraf tiro badan xaaqo, hase yeeshee iminka lagu qiimeeyay in barafka dhacayaa iminka uu yahan mid aan laga gaarin in garoonka laga nadiifiyo.

Ciddii doonaysay inay ka dhoofto garoonka dayuuradaha ee Landvetter ayaa lagu war-gelineyaa iney war-bixin intaa dheer kala socoto bogga shirkadda Swedavias iyo is-bedellada duulimaadyada.

Maxame Saciid wuxuu ka mid yahay bulshada ku dhaqan magaalada Götebrog. Maxamed oo aannu wax ka weydiiney xaaladda magaalada Göteborg ee saaka ayaa sidan noogu jawaabay:


Isha/ P4 Göteborg

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".