Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

5 000 oo xubnood oo ka baxay ururka shaqaalaha Kommunal

La daabacay tisdag 19 januari 2016 kl 15.48
"Sweden waxay caan ku tahay sinnaanta bulshada"
(9:58 min)
Kommunal. Sawirle: Bertil Ericson/TT.
Sawirle: Bertil Ericson/TT.

Baaristii uu war-geeyska Aftonbladet ku sameeyey howlaha hoggaanka ururka shaqaalaha ee lagu magacaabo Kommunal oo ey ku soo shaac-baxeen fadeexooyin dhowr ah ayaa weli halkoodii ka sii socda. Iyadoona uu maantadan xeer-ilaaliyuhu ku dhawaaqay inuu baaris ku sameeyn doono dejintii wasiirka arrimmaha dibadda dalka Sweden Margot Wallström ee guri ka mid hooyada uu mulkida u leeyahay ururka Kommunal si loo xaqiijiyo in aan xeerka wax laga jebin:

- Go’aan waxaan ku gaaray inaan furo baaritaan, tallaabadaasina oo aan u sababeeynayo in la gaaray ama la dhaafay xadkii ay ahayd in baaritaan lagu furo, sida uu sheegay xeer-ilaaliye Alf Johansson., ahna xeer ilaaliye ka howl-gala laanta ka hor-tagga mususq-maasuqa. Halka dhanka kale ay Margot Wallström ay qoraal saxaafadeed ku sheegtay in aanay jirn wax ay qariso ayna soo dhoweeynayso baaritaanka bilowday ama lagu dhawaaqay. Wallström ayaa intaa raacisay inay howlaheeda halkaa ka sii wadi doonto. 

Cali Yaasiin Daahir wuxuu ku dhaqan yahay magaalada Umeå, wuxuuna xubin firfircoon ka yahay xisbiga Socialdemokaraterna oo ay sidoo kale xubin ka tahay wasiiraadda arrimmaha dibadda Wallström. Waana xisbi ay xulufo yihiin ururrada shaqaalaha ee dalka ka aloo-san oo uu kommunal-na ka mid yahay:

Wixii ka dambeeyay dhacdooyinka iyo fadeexadahan uu war-geeysku soo shaac-dhigay ayaa lagu soo warramayaa iney ururka Kommunal ka baxeen xubno gaarsii-san 5 000 oo ruux, iyagoona sheegay in aaney wax kalsooni ah u ahyn hoggaanka ururka Kommunal iyo habka uu u dhaqmay. Cali Yaasiin Daahir iyo mar kale:

Isha Radio/ Radio Sweden

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".