Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Magaasiin carruur oo markii ugu horeysay soomaali ku soo baxay

La daabacay tisdag 19 januari 2016 kl 16.46
"Magaasiin af-soomaali fudud ku qoran oo carrurta fahmi karaan
(18 min)
Muse Isse
Tafatiraha Carrurteenna Muse Ciise. Sawirle: Warsame Elmi/ SR somaliska

Magaalada Stockholm ayaa markii ugu horeysay waxaa ka soo baxay magasiin loogu talogalay carruurta oo af-soomaaliga ku soo baxa.

Magaasiinka oo magaciisa yahay Carruurteenna ayaa loogu talogalay carruurta soomaalida ah ee ku dhaqan Sweden iyo guud ahaan Yurub. Iyadoo ujeedadu tahay sidii uu magaasiinka uga taageeri lahaa carruurta barashada af-soomaaliga iyo dhaqankooda hooyo ,sida uu yeri Tafatiraha magaasiinka Muse Ciise:

- Waxaan dooranay in aan ku qorno af-soomaali fudud oo fartiintana ilmaha Sweden ku dhashay iyo kan waddankkii hadda ka yimid ay wado fahmi karaan.

- Waxuu soo baxayaa afar jeer sannadkii. Howl-wadeenada Magaasiinka waxay iskugu jiraan soomaali iyo iswiidhish. Stockholm ayuu ka soo baxahayaa, waxaynu rajeyneynaa waddanka Sweden magaalooyinkiisa ay soomaalida ku badan tahay in uu wado gaaro, hadii ay ahaan laheyd maktabadaha iskuulada iyo dhamaan meel kasto oo carruur soomaaliyeed ka dhowdahay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".