Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

M: oo damacsan inuu xadiddo dadyowga haysta sharciga ku meel gaarka ah

La daabacay onsdag 20 januari 2016 kl 13.55
Yaa qeyb ka noqon kara nidaamka hab nolo wanaagga?
(3:31 min)
Ulf Kristersson, af-hayeenka siyaasadda dhaqaalaha ee xisbiga M. Sawirle: Fredrik Karlsson/TT.
Ulf Kristersson, af-hayeenka siyaasadda dhaqaalaha ee xisbiga M. Sawirle: Fredrik Karlsson/TT.

Xisbiga mucaaradka ee Mudaraterna ayaa maanta soo jeediyay fikir ah in dadyoowga heeysta sharciga deggenaansho ee ku meel-gaarka ah aan la siin adeegyo iyo dhaqaalaha taageerada ee hab-nolol wanaagga ee u dhigma midka ey xaqa u leeyihiin dadyoowga muwaadiniinta ama deggenaanshaha joogtada ah dalka ku leh, sida ey bogga doodda ee war-geeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter maanta ku qoreen Anna Kinberg Batra, hoggaamiyaha iyo Ulf Kristersson, af-hayeenka siyaasadda dhaqaalaha ee xisbiga Moderaterna.

Hoggaamiyeyaasha ayaan war cad ka bixin xadeeynta ey dooneyaan in lagu soo rogo dadyoowga haysta ama dalka lagu siiyey sharci deggenaansho ee ku meel-gaar ah, hase yeeshee maqaalka ku daabacay "in dhaqaalaha Sweden ey hor-yaalaan caqabado fara-badan ee u baahan sidii si adag lacag loo dhigi lahaa, qaasatan dhaqaalaha ku baxa qaxootiga oo la dhimo ".

– Marka ugu horreeysa waxaannu dooneynaa in aannu kicinno doodda la xiriirta sidee ayaa loo soo geli karaa nidaamka hab-nolol-wanaag ee bulshada, sida uu sheegay Ulf Kristersson oo u warramayay laanta P1-morgon ee idaacadda.

– Dalka Sweden waxaa ka jira nidaam hab-nolol wanaag ee siyaabo badan u naxariis badan, deeqsina ah, hase yeeshee ey ku xiran yihiin shuruudo. In aad deggen tahay Sweden waa shuruudda aasaaska u ah. Halka ey waddammada kale leeyihiin shuruudo kale oo aas aas u ah, sida uu sheegay.

Ulf Kristersson ayaa aamin-san in loo baahan yahay in la is weeydiiyo su’aasha ah goorma ayaa sideedaba xaq loo leeyahay in nidaamka qayb laga noqdo.

– Ma marka uu shakhsigu shaqa bilaabo? Ma marka uu shakhsigu muwaadin noqdo?, mise koolka uu helo/hesho sharciga deggenaansho ee joogto? Hase yeeshee, waa mid aan su’aal iska weeydiineeyno in shakhsigu qayb buuxda ka noqdo nidaamka iyo adeegyada hab-nolol wanaagga bulshada kolka uu shakhsigu haysto oo keliya deggenaansho ku meel gaar ah waa mid aannu wax iska weeydiineeyno.

Waa maxay qeybaha aad dooneeysaan inaad ka jartaan?

– Waa su’aal aad u ballaaran oo u baahan in aad loo dhuuxo. Tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karaa hooyga deegaan ee lagu magacaabo HBV-Hem ee lagu xannaaneeyo dhallaanka keli-nimada ku yimaada ee aan qaan-gaarin in lagu sii hayo kolka uu shakhsigu dhaafo da’da qaan-gaarka. Dar-yeelka caafimaad ee aan degdegga ahayn, waa tusaale kale. Shil kugu dhaca oo lagaa caawiyo waa meesheeda, hase yeeshee waa mid laga doodi karo dar-yeel caafimaad ee qorsheey-san, sida uu sheegay Ulf Kristersson.

Isha/ P1-morgon

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".