Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ilaalista xuduudaha oo ganacsiga saameeyn karta

La daabacay onsdag 20 januari 2016 kl 14.26
"Ilaalista xuduudaha ganacsiga uma fiicna"
(1:21 min)
Inrikesminister Anders Ygeman (s). foto: tt
Inrikesminister Anders Ygeman (s) säger till P4 Skaraborg att förlaget från EU om ett nytt vapendirektiv är otydligt. foto: tt

Ilaalista xuduudaha waddamada Yurub, tusaalahan ka u dhaxeeya Denmark iyo Iswiidhan, ayaa sameeyn xun ku yeelan kara ganacsiga iyo dhaqaalaha Iswiidhan. Taas waxaa sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Anders Ygeman.

Todobaadki hore ayuu madaxa komissionka midowga Yurub, Jean Claude Juncker ka digay in ilaalista xuduudaha mustaqbalka sameeyn ku yeelan karto dhaqaalaha. Dhowr billion oo koroon ayaa halkaas lugu khasaari kara, ayuu jidhi.

Sida ay xaaladu maanta tahay toddoba waddan ayaa bilaabay in ay xuduudahooda ilaaliyaan. Kuwan oo ay Denmark, Iswiidhan iyo Jarmalku ka mid yihiin.

Ygeman ayaa madaxa commissionka midawga yurub kula raacsan fikrika in ilaalista xuduudaha ganacsiga saameyn karto.

-Hadii u arrinkani sii socdo, waxaa laga yaaba in ay dadka dibadaha ka shaqeeya, guryahoodu na waddan kale ku yaalo, ku fikireen in ay sii wadi karaan safarka ay maalin walba galaan. Tusaalhan waxaa jira dad badan oo ku nool magaalada malmö oo ka shaqeeya koobenheegan. Waxaan dhowaan u dhoofaya Denmark si aan dawladda halkaas arrinkan ugala hadlo, ayuu sheegay Anders Ygeman wasiirka arrimaha gudaha ee Iswiidhan.





Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".