Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaxootiga cusub oo loo hagaajinayo baaritaanada dhanka fiyoobida

La daabacay torsdag 31 mars 2016 kl 11.06
"Waxaan iskudeyeynaa helida farsamooyin sahlan"
(3:06 min)
I dag genomgår knappt hälften av alla nyanlända en hälsoundersökning.
Maanta tiro ka yar kalobar qaxootiga cusub ayaa mara baaritaanada caafimaad. sawir: Yvonne Åsell / SvD / TT

Baaritaanada dhanka fiyoobida oo la badiyo iyo taageero lagu siiyo luuqado kaloduwan waxay wanaajin kartaa fiyoobida caafimaad ee dadka mangangeliyo doonka ah. 

sida waxaa muujineysa daraasad uu sameeyey ururka degmooyinka iyo gobolada Sweden SKL.

– Way wanaagsantahay in dadyowga dhibaatada badan soo maray laga caawiyo dhibaatooyinka caafimaad ee heysta, ayuu yeri Husam Almatar oo degmada Söderhamn ku sugan xarun caafimaadkiisa lagu baarayo.

Ururka degmooyinka iyo goblada Sweden ayaa ku ogaadey mashruuc daraasad in wax ka yar kalobar dadka magangeliyo doonka ah ee waddanka ku cusub baaritaan lagu sameeyo fiyoobidooda caafimaad. Waxaa sidoo kale caadi ah in aan la weydiinin fiyoobidooda caafimaad dadyowgan markey dalka iska dhiibaan sida ay muujineyso daraasadda. Sababtuna waxaytahay in aysan jirin caawinaad loo hayo qofka caafimaad daro dhanka nafsiyanka ah ey heysato, sida ay tiri Ing-Marie Wieselgren oo iskuduwe ka ah ururka SKL, dhanka cudurada nafsiyanka ah.

– Waxaan fiirinay waxa loo sameyn karo dadyowga dalka ku cusub, sida baaritaanada fiyoobidooda iyo caawinaadaha dheeraadka ah ee ay uga baahan karaan goobaha bukaan socodka. Hadey ahaan laheyd in loo baahan yahay in la abuuro xarumo ku taqsusay daweynta shooga iyo daryeelka dhanka cudurada nafsiyanka ah oo aqoon u leh dhaqamada ay soo jeedaan soogalootiga waddanka ku cusub, ayey tiri.

Ururka SKL waxuu wadoshaqeyn tijaabo ah la yeeshay gobolka Värmland si loo ogaado wax loo baahanyahay in la sii hagaajiyo. Hindiso ayaa ah in la shaqaaleeyo xogheyno dhanka fiyoobida ah oo aqoon u leh caafimaadka, yaqaanana luuqadaha iyo dhaqamada ay ka soo jeedaan qaxootiga cusub, sida dadkan cusub luuqadahooda loogu siiyo wargelinada la xiriira fiyoobiada iyo caafimaadka. Maadaame ay waddanka soo gaareen qaxooti badan waxaa loo baahanyahay ibn la helo farsamooyin sahlan, ayey tiri Ing-Marie Wieselgren.

– Maanta awooda aan heyno naguma filna, waana caqabadda ugu weyn ee aan iskudeynay in aan xal u helno si aan kor ugu qaadno, waan heynaa aqoontii awoodii xirfadeed laakiin baaxadda aan ku maareyn karno 160 000 sannadkii hore waddanka timid way iska yartahay. Sidaas darteed waa in aan dhaqso u baahinaa aqoonta aan arrimahan u leenahay, ayey tiri Ing-Marie Wieselgren.


Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".