Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqsiyaadka argagaxisada lagu tuhmo oo lala xiriiriyo dembiyo kale

La daabacay torsdag 31 mars 2016 kl 13.41
"Waxaan iskudeyeynaa helida farsamooyin sahlan"
(3:06 min)
Bomb slår ned i stad i Syrien. Svensk polis har spärrat av en brottsplats. IS-krigare med flaggor åker i en jeep.
Waxaa jira cadeymo muujinaya in dadka argagaxisa ku biira ay dembiyo kale waddanka ka geystaan. sawir: TT. Montage: Sveriges Radio.

Boliska ayaa arkey cadeymo muujinaya xiriir ka dhaxeeya dadka dibadaha u socdaala si ay kooxaha argagaxisada ugu biiraan iyo dembiyo kale oo  geystaan.

Sidaas waxaa sheegay madaxa waaxda dabogalka macluumaadka ee boliska Sweden.

–  Waxaan argnay in shaqsiyaadkan ay ka mid yahiin shabakado dembiyo ka geysta Sweden kadibna u socdaala goobaha ay daglaada ka aloosanyahiin si ay uga barbar dagaalamaan argagaxisada, ayey tiri Linda Staaf oo madax ka ah waaxda dabogalada macluumaadka ee boliska Sweden.

Dembiyada ay geystaan maxay yahiin?

– Demebiyada waxay kalo ahaan karaan dembiyo daroogo, gacan ka hadal, dembiyo hub iyo weliba falal la xiriira saameyn ku yeelasho aan banaaneyn, iyo xataa sidoo kale maagelinta falal argagaxiso, ayey tiri.

Sannadyadii ugu denbeeyey ayaa hey’adda nabadsugida iyo boliska waxay xoojiyeen iskaashigooda wadoshaqeyn, taas loo sababeynayo in hadda la ogaado xiriirka ka dhaxeeya shaqsiyaadka lagu tuhmo in ay xiriir in la leeyahiin argagaxisada iyo weliba falal kale oo dembiyo oo dalka ay ka geysteen. Wadoqasheynta hey’adaha amniga waxay hadda noqotay mid miro-dhal ah, sida ay aaminsantahay Linda Staaf.

– Midda aan aragno waxay tahay in aan gacanta ku heyno kiisas maxkamadeyntooda bilaaban doonta, waxaan gacanta ku heynaa dembibaaris aan dhawaan fileyno in qaarkood la xukumi doono, ayey tiri.

Sida ay sheegtay Linda Staaf horumarka arrimahan laga gaaray waxay kor u qaadeysaa baahida loo qabo in il gooni ah lagu hayo mahan keliya falalka argagaxiso balse falalka dembiyada kale ah ee xiriirka la leh si ka sii wnaaagsan sida maanta la sameeyo. Sidoo kale arrintan waxay ku xusantahay natiijada baaritaan ay sameysay waaxda howl-galada boliska qaranka. Anders Thornberg, madaxa nabadda sugidda Sweden ayaa asna ku racsan.

– Badanaa waxay geystaan dembiyada caadiga ah iyo dembi argagaxiso. Dembi aragaxiso waa midka ugu halista badan, laakiin haddi tallaabo laga qaadi karo dembiyada kalena waa muhiim.


Isha:Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".