Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Boliska: siyaasi reer Uppsala ayaa loo maleynayaa in uu geeriyoodey

La daabacay torsdag 31 mars 2016 kl 16.35
Alexander Bengtsson
Alexander Bengtsson. Foto: Gomorron Sverige/SVT

Alexander Bengtsson (M) oo ah siyaasi reer Uppsala, horeyna loogu geystay hanjabaado ayaa la tuhmayaa in uu geeriyooday, sida uu boliska Uppsala u sheegay SVT Nyheter.

Weli ma cadda waxa sababay geeridaan la tuhmayo. Sida boliska laga soo xigtay gaari loo malaynayo in Alexander Bengtsson la socday ayaa isagoo gubanaya todobaad ka hor laga helay deegan la yiraahdo Ödeshög. Weli lama aqoonsan meydka laga dhex helay gaariga laakiin sida boliska ay sheegeen waxay hayaan macluumad laysku hubi karo oo sheegaya in meydka la helay uu yahay kan Alexander Bengtsson.

Baaburka loo maleynayoo in laga dhex helay meydka Alexander Bengtsson waxaa iska leh ruux ay qaraabo yahiin siyaasiga, sida boliska xaqiijiyey.

Imminka ma jirto cid lagu tuhmayo dembi ah in ay ka dembeyso gubashada baabuurka, iyadoo weli siysaasigaan dhowr todbaad ka hor boliska u dacwoodey kadib markii gurigiisa isagoo ku sugan mudi lagu soo weeraray.

Alexander Bengtsson waxuu ahaa siyaasi ka tirsan xisbiga Moderaterna oo xubin ka ahaa maamulka guryaha degmada Uppsalahem. Gaar ahaan waxuu caan ku ahaa halgan uu kula jiray cunsuriyadda iyo naceybka ka dhanka ah dadyowga homsexuelka ah.

Maalmo ka hor ayuu Alexander Bengtsson ka qaybgalay barnaamijka Godmorron ee ka baxa SVT, waxuuna ka sheegay hanjabaado 50 kor u dhaafaya oo loo geystay oo uuna boliska ku dacweeyey.

 

Källa: SVT Nyheter Uppsala

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".