Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqaalaha warshadaha iyo mulkiileyaasha oo heshiis wado gaaray

La daabacay fredag 1 april 2016 kl 13.16
IF Metall: waa heshiis wanaagsan
(1:45 min)
Handslag och industri.
sawir: Marcus Ericsson/TT, Anders Wiklund / TT

Iskaashatada shaqalaha warshadaha iyo ururka matala mulkiileyaasha ayaa gaaray heshiis hal sanno soconaya oo mushaarka u kordhinaya boqolkii 2,2 bil kasta 600 000 oo ka mid ah shaqaalaha ka howl-gala warshadaha.  

Wada xaajoodka labada dhinac waqti ayuu soo jiitamayey iyadoo laysku mari waayey qorshoyaal kala duwan oo labada dhinac wateen.

Waxayse ugu dembeyn labada dhinac aqbaleen heshiis gaaban oo ku kooban hal sanno oo ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha labada dhinac. Heshiiskan ayaa ka micno ah in shaqaalaha warshadaha loo kordhiyo mushaarka 2,2 boqolkiiba bil kasta.

– Waa heshiis wanaagsan oo hal sanno soconaya, siinaya xubnaha ka midka ah iskaashatadeena fursad ay mushaarkooda ku kordhin karaan, sidaas waxaa yeri Anders Ferbe oo ah guddoomiyaha iskaashatada IF Metall.

Dhanka shaqaboxiyaasha heshiiskan ay ogalaadeen waa mid niyad jab ku ah. Haamigooda waxuu ahaa in heshiiska cusub uu xoojiyo awoodda tartan ee warshada Sweden, laakiin heshiiskan cusub ma ahan mid taas saamaxaya ayey qabaan.

– Heshiiskan waa mid qaali nagu ah, ayey tiri guddoomiyaha ururka warshadaaha cuntada sameeya Marie Söderqvist.  

Maxuu heshiiskan dhallin karaa?

– Waxa dhacaya waxay tahay haddii sannad weliba mushaarooyinka kor u sii socdaan , markas tartakanka waa looga dheereynayaa warshada Sweden iyo alaabaaha ay soo saaraan, taas oo markas nagu qasbaysa in aan meelo kale oo mushaarka raqiis yahay u guurno, ayey tiri.

 

Isha:Ekot

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".