Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Fadeexad kashiftey dad iyo shirkado lacago qarsadey

La daabacay måndag 4 april 2016 kl 11.00
Lacago canshuuraha laga fakanayey
(1:41 min)
Nordeas huvudkontor på Hamngatan i Stockholm
Xarunta bangiga Nordea. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Ka dib markii saxaafadda adduunku ay heshey in ka badan 11 malyan oo dukumanti sir ah

kaas oo loogu magac darey ”Panama dokumenten” oo ay dad iyo shirkado kala duwani  lacago dibadaha dalalkooda ugu qarsadeen kuwaas oo badankoodu canshuuraha kala cararayey dalalka ay dadkaas iyo shirkadahaasi ka hawlgalaan.

Shirkadahaan iyo dadkaan lacagaha qarsanayey ayaa arrinkaas waxaa ka saacidey shirkad qareen ah oo lagu magacaabo Mossack Fonesca taas oo ku taala dalka Panama.

Barnaamij ka baxa talafishinka dalkaan Iswiidhan kaas oo lagu magacaabo Uppdrag Granskning ayaa muujiyey in bangiga Nordea oo dalkaan Iswiidhan laga leeyahay uu ka mid yahay bangiyada adeegsadey shirkadda qareenada ee Mossack Fonesca, raadna ku yeeshey lacagahaas dibadda lagu qarinayey.

Magnus Nelin waa afhayeenka bangiga Nordea:

-Bangiga Nordea wuxuu laga soo bilaabo sanadkii 2009-kii uu wax ka badaley sharciyadii uu ku dhaqmi jirey ,wuxuuna macaamiisha ka dalbadey in aysan ku kicin wax kasta oo ka hor imaan kara  sharciyada dalkaan, ayuu yiri Magnus Nelin.

Wasiirka maaliyadda dalkaan Iswiidhan Magdalena Andersson ayaa canbaareysey bangiga Nordea:

-Dhammaan shirkadaha oo dhammi waa in ay isweydiiyaan inta aysan qaladaadka noocaan ah ku kicin , arrinkaani mid sax ah ma yahay , ma wax ay haboon tahay baa in aan ka qeyb qaadano ,Waana in hogaanka bangiga Nordea ka fakaraa arrimaha noocaan oo kale ah, ayey tiri Magdalena Andersson.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".