Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Liberalerna: carruurta dalka ku cusub 20 sanno waajib ha looga dhigo iskuulka

La daabacay måndag 4 april 2016 kl 17.06
Ardey Simon: waa dhib, luuqada iyo maadooyinka kaleba
(7:09 min)
Emanuel Cotarlan, elev i Bredängsskolan
Emanuel Cortarlan waa ardey 15 sanno jir ah oo dhigta Bredängskolan. Saddex sanno ayuu Sweden ku noolyahay, waxuuna jeclaan lahaa in waqtiga dusgiga hoose loo kordhiyo. sawir: Warsame Elmi

Xisbiga Liberalerna oo ah xisbiga baarlmaanka Sweden ka mid ah ayaa hindise ku soo saaray in 20 sanno looga dhigo waajibka iskuulka carruurta dalka cusub, oo iyagoo da’ weyn ah dalka yimid.  

Ujeedada ayaa ah in carruurta ay gaaraan goolka tacliin ee u degsan dugsiyada hoos ee dalka.

Bredängsskolan koonfuurta Stockholm ayaa fasalka loogu talagalay carruurta waddanka ku cusub oo lagu baro af iswiidhishka maanta waxaa cashar ku qaadanaya Simon Zsambar iyo dhowr kale oo ah arddey wiilal ah.  Simon aad ayey casharada ugu adagyahiin , gaar ahaan maadooyinka SO iyo NO, inkastoo xisaabta aysan sidaas ugu adkeyn.

- Waa dhib, luuqada iyo maadooyinka kaleba, xisaabta sidaa ii uguma adka, laakiin madooyinka SO iyo NO way igu adagyahiin.

Sabab, maxaa adeyg ka dhigay?

- Waxaa ku jira ereyo badan oo xataa kuwo waddanka ku dhashay aysan aqoonin. Wey igu badan tahay anniga. Inkastoo aan af iswidhishka aqoonin hadana arddeyda kale iyo anniga isku waqti ayaan heysanaa, ayuu yeri Simon Zsamber oo ah ardey 16 sanno jir ah ka soo jeeda dalka Hungeri.

Simon ayaa aaminsan in uu u baahanyahay waqti dheer in la siiyo si uu u soo gaaro arddeyda ee dalka ku dhalatay. ”Waxaa jira casharo badan oo aan ka gaarin in aan ka shaqeeyo, halka arddeyda kale ee aan isku fasalka-nahay ay mar hore ka shaqeeyeen.

- Kamo gaaro sababtoo ah casharada wey badanyahiin, waana in aan luuqadda saxo oo aan af iswiidhish fiican ku qoro, ayuu yeri Simon.

Si hadaba xal loogu helo carruurta waddanka ku cusub oo iyagoo da’weyn ah dalka ka bilaaba dusgisga hoose ee aan ka soo hoynin natiijo wanaagsan iskuulka hoose, ama dhameyst dusgiga hoose iyagoon heysanin shahaado ay ku galaan dugsiga sare, ayaa xisbiga Liberalerna maanta ku taliyey in carruurtan loo dheereeyo waajibka iskuulka oo laga dhigo illaa iyo inta da’da 20 sanno. Halka uu maanta dugsiga hoos uu waajib ku yahay carruurta illaa iyo inta ka dhameysanayaan fasalka sagaalaad ama da’da 16 sanno jir. Si carrurta waddanka ku cusub u wado helaan waxbarashada dusgiyada hoose ee Sweden oo ay soo galaan dugsiga sare.

Simon ayaa hindisahan xisbiga Leberalerna u arka mid wanaagsan oo asaga u suurogelin lahaa in uu si fiican ugu diyaar garaabo dugsiga sare. Waayo buu yeri hadaba ma u diiyaarsani in aan bilaabo dugsi sare, aman heysto dhibcohii aan ku geli lahaa:

- Waxaa suurtagal ah in hindishan u fiicanyahay carruurta da’deyda oo kale Sweden ku timid. Tusaale haddii Sweden uu qofka yimaado isagoo 14 sanno, markas wey adagtahay in aad heshid dhibco ugu filan. Inkastoo aan af iswiidishka ku baasay hadana ma heysto dhibco badan, waxaan heystaa ugu badnaan dhibco ah 130. Marka ma ogi waxaan mustaqbalka sameynayo, waayo dhibcan kuma geli karo Gymnasium (Dugsi sare).

15 sanno jir Emanuel Coterlan oo asna ka soo jeeda dalka Romaniya, ayaa asna hindisahan u arka mid qaas ahaan asaga u wanaagsanaan lahaa:

- Dhawaan gymnasium ayey tahay in aan bilaabo, aniguu ku bilaabi doona barashada af iswiidhishka. Diyaar uma ahi in aan bilaabo gymnasium waayo kamo soo baxi karo oo luuqadda ma aqaan. Sidaas darteed waxaan u baahanahay waqti dheeraad ah oo aan gymnasium ugu diyaar garaabo.

- In illaa iyo 20 sanno iskuulka hoose laga dhigo wax fiican bay iila muuqataa, oo uu qofka dareemo in diyaar u yahay bilowga dugsi sare, ayuu yeri Emanuel Coterlan.

Hindisaha Liberalka ayaa ah in arddeydan waajib looga dhigo soo dhameysiga dugsiga hoose illaa iyo inta ay ka gaarayaan 20 sanno balse haddii arddeyga ka hor uu guulesto dugisga hoose uu markaa h gudbi karo dugsi sare.

Jeannette Droguett iyo macallimad kale ayaa maanta ka caawinaya cashaarda addeydan dhigatada fasalka af iswiidhishka lagu barto ee la yiraahdo förberedelseklass.

Jeannett ayaa aragta fursado ay arddeydeeda uga merodhalin karaan tacliinta dugsiga hoose, gaar ahaan markey timaado barashada af-iswiidhishka. Balse waxaan u baahanyahiin waqti ayey tiri:

- Waxay ay heytsaan fursado ay ku gaari garaan goolka tacliinta, laakiin waxay u baahanyahiin waqti. Waqtigana waa caqaba koobad ee ku gudban.

- Waxaan ku iraahdaa, ha ka fakerina in aad tahiin 16 ama sanno jiro, ahmiyadda saara in aad baratiin af iswiidhishka oo aad baratiin ereyyo badan. Waayo gymnasium markey bilaaban dhib ayuu ku noqonayaa intooda badan, ayey tiri.

Macallimad Jeannette ayaa u aragta hindisaha Leberalerna fikir wanaagsan oo lagu hubin karo in arddeyda  noocaan ah aysan iskaga harin iskuulka iyo waxbarashada:

- Waxaan qabaa in uu yahay fikir wanaagsan. Waa qaab wanaagsan oo arddeyda iskuulka loogu sii heyn karo. Waayo qaar badan oo ka mid ah arddeyda noocaan ah waxay aaminsayahiin in mar hadey gaareen 16-17 sanno in aysan u baahneyn iskuulka in ay sii dhigtaan. Wayo waa xilliga facoon waddamadooda iskuulada dhameeyaan. Waxay leeyahiin “shaqaan bilaabeynaa, laakiin shaqo nooceeya bey helayaan?

- Waana yar tahay inta ku guuleysata shaqo in ay hesho, ayey tiri Jeannette.

Hindisaha Leberalerna waxaa sidoo kale ku jira in kalobar laga dhimo fasaxa sommarka, si aysan dayartan uga dhuminin af iswiidhish ay barteen una helaan xilli waxbarasho oo dheeraad ah.

16 sanno jir Simon ayaa fikirkaa u ah mabda ahaan mid wanaagsan, inkasta oo uusan dooneynin in asaga kalobar laga dhimo xilliga uu fasaxa yahay sommarka.

- Arddeyda aan af iswiidhishak aqoonin wey u fiican tahay balse uma fiican kuwa kale.

Adiga ma kuu fiican tahay?

- Annigaa? Ma doonayo in yareeyaan fasaxeyga, Inkastoo aan u arko in ay ii fiican tahay, waayo waxaan baran karaa ereyyo badan oo maadada SO ku jirta, ayuu yeri Simon oo ah arddeyd dhigta Bredängsskolan koonfurta Stockholm.  

Isha: DN

 

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".