Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Af carabiga oo noqday luuqadda labaad ee Sweden looga hadlo

La daabacay tisdag 5 april 2016 kl 14.54
"Af carabigu wuu dhaafay af fiinishka"
(3:31 min)
Hemspråkslärare undervisar i arabiska.
Macallin baraya ardey afkiisa hooyo. sawir: Yvonne Åsell / TT

Dadka ku hadla af carabiga ayaa markii ugu horeysay ka tiro badatay dadka ku hadla af Fiinishka oo waqti dheer aheyd luuqadda labaad ee Sweden looga hadlo.

Sidaa waxaa sheegay aqoonyahay dhanka luuqadaha Mikael Parkvall oo asagu ku sameeyey dabogal inta luuqadood ee maanta Sweden looga hadlo.

- Kadib qaxootigii badnaa ee Sweden soo galay dhamaadkii sannadkii hore waxaa la oran karaa hadda af carabigu dhaafay afka Fiinishka oo waxuu nqday af labaad ee looga hadlo waddanka.

Daraasadda Mikael Parkvall waxay ka duuleysaa tirokoob la sameeyey 2012, markas oo weli afka Fiinishka ahaa luuqadda labaad ee looga hadlo Sweden, 200 000 oo qof ayaa markaa af fiinishku u ahaa afkooda hooyo halka tirada af carabiga u ahaa afka hooyo ay aheyd 155 000.

Laakiin waxii xilligaa ka denbeeyey waxaa Sweden soo degay oo ku soo batay dadka ay afkooda hooyo Carabiga tahay, halka da´da dadka afkooda hooyo Fiinishka tahay ay kor u sii kacday. Taas oo ka micno ah in  dhawan af carabigu noqdo luuqadda labaad ee looga hadlo Sweden, sida uu saadaalinayo Mikael Parkvall.

Tirokoobka arrinkan la xiriira waxuu ka helay hey’adda socdaalka iyo hey’adda iskuulada iyo xaruumo kale, isagoo u barbardhigay tirokobyada waddamada kale. Laakiin Sweden ayeysan ka jirin tirkoob sax oo la raco, halka caalamka intiisa kale arrimahan tirkoobya laga sameeyo, middas oo ah wax laga xumaado sida uu qabo Mikael Parkvall:

- Waxaa loo arkaa in ay ku tahay meel ku dhaca shaqsiga in diwaangeliyo luuqadaha, sida ay u tahaymeel ku dhaca wiidaangeliyada qoomiyahada. Dowladda kasta oo dalka soo martay waxay sumcad ka doontay in diwaagelinta luuqaddaha la mid dhigto diiwaagelinta qoomiyahada ku nool Sweden.

In xasaasiyad leedahay debogalka iyo raadraaca luuqadaha looga hadlo Sweden waxuu Mikael Parkvall ogaadey marki uu warbaxintiisa daabacay. Inta badan dareemayaasha ay warbaxintiisa dhalisay waxay ahaayeen kuwo aan wanaagsaneyn, sida uu yeri:

- Weligey ima soo marin in sidaan  oo kale laygu tilmaamo nacas axmaq ah.

Laakiin maxaa u maleyneysaa in sidaan dadka kuula dhaqmaan?

- Ma wax sahlan in aan sharaxo lakiin dadka qaarkod waxay ku arkaya qof wanaagsan haddii aad u soo bandhigtid sida ayagu wax u arkaan ama jecelaan lahaayeen, haddii wax ka duwan aad keentid wey kula dagaalayaan, ayuu yeri Mikael Parkvall oo ah aqooonyahay dhanka luuqadaha oo wax ka dhiga jaamacadda Stockholm.

Af-soomaaliga 

Luuqadda af soomaaliga ayaa daraasadda Mikael Parkvall ku jirta kaalinta 13 labatanka luuqadood ee ugu waaweyn Sweden. 53 000 oo qof oo ku nool Sweden ayuu af soomaaliga u yahay luuqadooda hooyo.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".