Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka cudurka kansarka u xanuunsada oo laba-laabmi doona

La daabacay onsdag 6 april 2016 kl 10.23
"Arrinkan ayaa culeys badan saaraya cusbitaalada waddanka"
(1:52 min)
Jan Zedenius
Jan Zedenius, chefsläkare. sawir: Cancerfonden/TT

Tirada qof ee ku xanuunsada cudurka kansarka ayaa labalaabmi doona marku sannadku yahay 2040. Sidaas waxaa sheegay cilmi baadhiis cusub oo uu ururka cancerfonden shaaciyay.

Baadhitaankan ayaa isaguna sheegay in kharashska ka baxaya waddanka si dadkan loo daweeyo labalaabmi doono.

Jan Zedenius oo dhakhtar ah ayaa u jeeda in u arrinkani culeeys badan saari doono cusbitaalada waddanka.

-Waxaa sii atkaanaysa in aanu dadkan wada haleelno iyo in ay saameeyn ku yeelan doonto caawimaadii aanu siin jirnay dadka u baahan in ay noloshoodi caadiga ahaa ku soo laabtaan, waxaa af Iswiidhiska lugu yidhaahdo rehabilitering, ayuu sheegay.

Ururka Cancerfonden ayaa rajeenaya in lacag dheeraad ah lugu maalgeliyo cilmibaadhis nocan oo kale ah.

Waxey dhaleecayn xoog leh u gudbinayan habka dadkan loo daryeelo iyo maamulada gobolada ee caafimaadka.

-Maanta waxaa waddanka ka jira 21 maamul oo dhamaantood hab kala duwan u shaqeeya. Waxaa fiicnaan laheeyd hadii tirada maamuladan la yareeyn lahaa, madama ay badanyihiin maanta, daryeelka caafimaad ee dadkan la siiyo ayaa ku xidhan halkey waddanka ka degan yihiin. Sidaas waxaa sheegay Jan Zedenius.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".