Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dawladda oo fududeynaysa siyaasadeeda soo galootiga

La daabacay onsdag 6 april 2016 kl 14.14
Morgan Johansson, wasiirka socdaalka Sweden.
1 av 2
Morgan Johansson, wasiirka socdaalka Sweden. sawir: Henrik Montgoremy/TT.
Qaxooti doon ku socdaalaya. Sawirle: TT
2 av 2
Qaxooti doon ku socdaalaya. Sawirle: TT sawir: TT

Dawladda ayaa ku talo-jirta inay fududeeyso siyaasaddeeda soo-galootiga, kadib dhaleeceeymo uga yimid hayadaha iyo ururrada ey khuseeyaan oo ka talo dhiibtey.

Akhbaaraha halkan kala soco.

Idaacadda wararka ee Ekot oo heshay warar siyaasadda socdaalka ee Sweden. Wasiirka socdaalka Morgan Johansson ayaa qaban doona shir-jaraa’id oo xaaladdaa uu uga hadli doono qaban doona saccadda 15:00 ee arbacada maanta.

– Arrimmaha socdaalka qaarkood ayaa wax laga bedeli doonaa, gaar ahaan kolka laga hadleyo dhallaankakeli-nimada ku yimaada, sida ay sheegtay weriyaha laanta wararka Ekot Lova Olsson.

Qeyb ka mid ah is-bedelka ayaa noqon doona in sharciga ku meel-gaarka ee hadda xisbiyadu ku heshiiyeen uu hor-seedo in la helo sharci deggenaansho oo joogto ah haddii uu shakhsigu uu helo shaqa joogto ah. Hayadda Laan-khayrta Cas - Röda korset ayaa soo jeedisay dhaleeceeyn ah in go’aammadaani keeni karaan in dhallaanka keli-nimada ku yimaada ey iskuulka isaga baxan inta aaney dugsiga sare dhammeeyn si ey u shaqa raadsadaan. Waana fikir uu wasiirku dhageeystay uuna doonayo inuu shirkiisa jaraa’id ku soo ban-dhigo galabta.

Isha/ Ekot

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".