Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Morgan Johansson oo shir jaraa'id ka wada xarunta madaxtooyada

La daabacay onsdag 6 april 2016 kl 15.47
Maxamed Cabdi-Naasir 16-jir ah.
(3:04 min)
Justitie- och migrationsminister Morgan Johansson intervjuas. Foto: Claudio Bresciani/TT.
Justitie- och migrationsminister Morgan Johansson. Foto: Claudio Bresciani/TT.

Wasiirka socdaalka Sweden Morgan Johansson oo shir-jaraaid ku qbtay galabta xarunta madaxtooyada ayaa ku soo ban-dhigay is-bedello lagu sameeyneyo siyaasadda socdaalka oo la sahleyo.

Wasiirka ayaa sheegay in muddadii 20-ka sannadood ahayd ee siyaasadda sare ku jiray uu arrinkani ahaa howlihii ugu dhibka badnaa dhan walba oo laga eego, haddey noqon lahayd tirada soo-galootiga ee dalka soo gashey sannadkii ina dhaafay 160 000 oo ruux, qiyaastii 40 000 dhallaan aaney la socon waalidkii dhaley iyo sidii dadyoowgaasi loo qaabili lahaa. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinkii ey dawladdu ku tallaabsatay ey wax ka badaleen iyada oo ey maanta dalka magan-gelyo u yimaadaan 500-600 oo ruux, ahna goolkii la hiigsanayay.

Morgan Johansson ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in xeerkii socdaalka ee la gaarey uu halkiisii ka sii socon doono muddo saddex sannadood ah. Xadiddaadii qaraabada la mideeyneyo oo halkeedii ey xaddidaadii ka sii socoto. In shakhsiga muddo saddex sannadood ah sharci qaxooti-nimo ee ku meel gaar ah la siiyo loogu bedelo mid joogto ah. In la adkeeyo taageerada dhaqaale ee qaxootiga dalka ku cusub la siiyo, iyadoona masuuliyad la saareyo shakhsiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhallaanka aan marnaba masuuliyad laga saari karin iney isku fillaadaan dhaqaale ahaan.

 

Morgan Johansson ayaa sheegay in xeerarkan cusub aaney qabaneyn dhallaanka keli-nimmada ku yimid dalka ee magan-gelyada ka dalbaday ugu dambeeyn 24-kii bishii noveembar ee sannadkii 2015, sidoo kale dadyoowgii qaan-gaarka ahaa ee magan-gelyada dalka ka dalbadey ug dambeeyn 24-kii bishii noveembar 2015.

Qodobbada ugu muhiimsan ee wax laga bedeley: 

. Dhallaanka kelinimada dalka ku yimaada inaan lagu shuruudeyn shaqo si aaney iskuullaadka uga cararin.

. In dhallaanka looga sahlo sidii ey sharci deggenaansho ku heli lahaayeen.

. In bar qaxootigii uu dalkan dibadda ka soo qaadan jirey laga dhigo qaraabda isku imaneeysa.

Isha/ Shir jaraa'id, Ekot

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".