Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i Kronåsens industriområde med kraftig rökutveckling som följd.
(Publicerat idag kl 15.48)
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

10 milyaard oo loo qoondeeyey degmooyinka iyo gobollada

La daabacay onsdag 13 april 2016 kl 09.05
Delad bild med regeringspartiernas företrädare som tittar på Ulla Andersson.
sawir: Jonas Ekströmer/TT.

Dhanka kale hoggaanka dawladda Sweden ayaa heshiis wada-jir ah oo uu la gaaray xisbiga ey xulufada yihiin ee Vänsterpartiet.

Midkaasina oo la xiriira miisaaniyadda dayrta ee sannadka in 10 milyaard ay dawladdu ku taageerto degmooyinka iyo maamullada gobollada, laga bilaabo sannadka foodda innagu soo haya. Iyadoona uu sheegay madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven in middaasi ay macnaheedu tahay iney miisaaniyaddaasi adkeeyn doonto nidaamka hab-nolol wanaagga dalka.

– Waana mid loo baahan yahay, maadaama muddo 8 sannadood ah oo ey maamulka gacanta ku hayeen xisbiyada garabka midig, kuna tallaabsadeen canshuur dhimis ballaaran, sida uu sheegay Löfven.

Sidee ayaad haddaba u miisaaniyad gelin doontaan?

– Waxaannu ku soo ban-dhigi doonnaa miisaaniyadda. Wasiirka maaliyadda ayaa soo ban-dhigi doona kharashka iyo dakhliga dawladdu ku howl-geli doonto ee miisaaniyadda.

10-kab bilyan ayaa ah markii ugu horreeysay ee wixii ka dambeeyey sannadihii bartamihii 1990 ee loo qoondeeyo degmooyinka iyo gobollada.

Halka uu wasiirka tacliinta Gustav Fridolin, isla-,arkaana ah hoggaamiyaha xisbiga Doogga (Miljöpartiet) uu sheegay in tallaabadani tahay mid macne ballaaran ku fadhida:

– Waa in ammaan lagu ahaado hab-nolol wanaagga Sweden, hadday noqon lahayd dhanka iskuulka, dar-yeelka waayeelka iyo in bulshadu iska fekerto oo is dammaanad qaaddo. Waxaannu iminka ka baxeynaa xilligii dhaqaalaha la dhimi annaga oo miisaaniyad gelineeyna hor-umarka bulshada.

Miisaaniyadda dawladda ee 10-ka bilyan ah ayuu shuruud ka dhigay xisbiga Bidixda (Vänsterpartiet) intii uu socday wada-hadalkii miisaaniyadda ee xisbiyada.

– Kolkii ey bilowdeen wada-haddalladii miisaaniyadda ayaannu markiiba miiska soo saarney fikirkan. Waana mid nalaga aqbalay oo aannu ku guuleeysanney, sida uu farxad ugu sheegey hoggaamiyaha xisbiga Bidixda Jonas Sjöstedt.

Isha/ Ekot

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".