Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Moderaterna oo doonaysa in lacagta lugu yareeyo qaxootiga

La daabacay torsdag 14 april 2016 kl 14.55
"Waa in aanu kharashka yareeyno"
(1:41 min)
Ulf Kristersson. Foto: Pontus Lundahl/TT.
Ulf Kristersson. Foto: Pontus Lundahl/TT.

Xisbiga mucaaradka ah ee moderaterna ayaa ku talo jirta in qaxootiga laga yareeyo kaalmada dhaaqaalaha ee la siiyo iyo in dhalaanka ka weeyn 20 jir ee keli waddanka yimid la dejin guryaha HVB ee hadda lugu meeleeyo.

Sidaas ayuu xisbigani sheegay markii ay soo bandhigeen miisaaniyaddii ay dalkaan ku dhaqi lahaayeen haddii ay iyagu imminka xukunka dalkaan hayn lahaayeen.

-Inta ka hadhay 2020 ayaan doonayna in kharashka dhimno, ugu yaraan 29 billion oo koroon,hadii aanu doonayno in aanu taas dhabeeyno, waan ku khasbanahay in kharashka yareeyno, ayuu sheegay Ulf Kristersson oo ah afhayeenka siyaasadda dhaqaalaha ee xisbiga Moderaterna.

Sido kale in caruuraha kelinimada waddanka ku yimaada, hasayeeshe da´da 20 jir ka weyn lugu meeleeyn guryaha HVB hem hadii u kharashku ka badanyahay 2000 oo koroon maalintii.

Moderaterna ayaa u jeeda in la dhimmo lacagaha la siiyo dadka shaqo l´aantu amba jirrada hayso, tusaalahan in khasnada shaqo l´aanta ee loo yaqaano a-kassa laga dhigo 760 koroon 100 cashoo ee ugu horreeya, ka dib na la dhimmo 680 maalintii.

Misaaniyadan ayey xisbiga moderaterna ku talo galeen in ay lacag gaadhaysa 28,6 billion oo koroon uga soo hadho.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".