Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Mohamed Amin: Carruur badan baa saboolnimo ku sugan Sweden

La daabacay torsdag 14 april 2016 kl 15.51
Mohamed Amin: Xaafadahan carruurta xaqooda ma helaan
(5:56 min)
Barnen är stressade av situationen. Foto: David Nilsson Hamne/Sveriges Radio.
Foto: David Nilsson Hamne/Sveriges Radio.

Sweden ayaa ku liidataa gacanqabashada carruurta ku sugan heerka ugu hooseysa bulshada ee saboolnimo, sidaa waxay ka muuqatay isku-barbardhig lagu sameeyey waddamada EU kamid ah iyo kuwa kale ee ku jira ururka waddamada horumaray OECD laysku yiraahdo.

Daraasadda Unicef waxaa lagu eegay farqiga u dhaxeeya carruurta Sweden dhanka dhaqaalaha, caafimaadka, tacliinta iyo weliba wanaagooda kale.

Liiskan Unicef ayey Sweden ka gashay qaybta ugu denbeysa iyadoo Sweden ay ka hormareen waddamada ku yaala Baltikum, bariga Yurub, Geriiga iyo weliba Mareykanka.

Caruuraha hal waalid koriyo iyo carruurta ajaanibta dhaleen ayaa ka mid ah kuwa dhanka dhaqaalaha ugu liita waddanka Sweden, sida lagu sheegay daraasadda Unicef.

Laakiin Mohamed Amin Barqadle oo ka howl-gala ururka badbaadada carruurta (Rädda Barnen) laan uu ku leeyahay xaafaddaha Södra Järva ayaa sheegay in warka Unicef aheyn mid cusub, Rädaa Barnen ay horey u sheegtay in ay carruur badan Sweden ku suganyahiin xaalad saboolnimo ah.

-  Arrin aan filaneynay weeye, wax cusub ma ahan. Annaga hey’adda badbaadinta carruurta warbaxino badan ayaa soo saarnay tobankii sanno ee u denbeeyey. Warbaxinadas oo sannad weliba ay ku xusneyd in carruurta degan xaafaddaha dhanka dhaqaale iyo bulshoba ildaran in saboolnimo ay carruurta ku heysato.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".