Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

20 jir lagu soo oogey in uu qarax bumbaano diyaarinayey

La daabacay fredag 15 april 2016 kl 10.04
20 jir maxkamad la soo taagey
(0:59 min)
Maxkamadda Attunda ee Sollentuna. Sawirkii : Maja Suslin / TT.
Maxkamadda Attunda ee Sollentuna. Sawirkii : Maja Suslin / TT.

Maxkamadda Attunda ee degmada Sollentuna ayaa waxaa maanta la soo taagey wiil labaatan jir ah oo lagu tuhunsan yahay

in uu rabey fal argagixisnimo in uu geysto.

Wiilkaan ayaa sida lagu soo eedeeyey wuxuu iibsadey qalab uu rabey in uu bumbo ka sameeyo, ka dibna isku qarxiyo.

Hooyada dhashey wiilkaan labaatan jirka ah oo ay ciidamada sirdoonku la xiriireen bishii janaayo ayaa u sheegtey in ay wiilkeeda ka walwalsan tahay.

Baaritaana kale oo la sameeyey ayaa muujinaya in wiilkaani aabihiis u sheegey in uu rabo in uu isku-qarxiyo cid kasta oo ka soo horjeeda ururka argagixisada ah ee Daacish.

Qoyka wiilkaas dhaley ayaa xiriir la lahaa hey’ado kala duwan oo dalkaan ku yaal maadaama ay wiilkooda uga baqayeen in uu dalka Suuriya u dhoofo si uu ugu biiro ururka Daacish, waxayna ehelada wiilkaasi hey’adahaas u sheegeen in xaaladda wiilkaasi tahay mid aan wanaagsaneyn, uuna u baahan yahay caawimaad dhanka saykalooga ah.

Wiilkaan ayaa inkirey dhammaan danbiyadaas lagu soo oogey, wuxuuna ku adkeysanayaa in uusan galin wax danbi ah oo sharciga ka hor imaanaya.



Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".