Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Degmooyin soo ceshanaya dhallaan ay degmooyin kale ku meeleeyeen

La daabacay fredag 15 april 2016 kl 15.47
Dhalaanka kali socdka ah iyo degmooyinka
(1:20 min)
Flyktingboende för ensamkommande barn. Foto: Jessica Gow / TT
Dhallaan kali socod ah. Sawirkii : Jessica Gow / TT

Sanadkii hore ayey degmooyinka dalkaani caruurihii kali socodka ahaa ee lagu qorey

waxay ku meeleeyeen degmooyin kale laakiin degmooyinkii sidaas sameeyey ayaa hadda raba in ay dhallaankaas dib ugu soo meeleeyaan degmooyinkooda.

Amir waa wiil ay hay’adda socdaalku ku meeleysey degmada Kumla laakiin maadaaama degmadaasi aysan boos u heyn,waxay wiilkaas la dajiyeen qoys ku nool degmada Uppsala.

Amir ayaa u heystey in goobtaas la dajiyey uu si joogta ah u deganaan doono laakiin degmada Kumla ayaa sheegtey in ay wiilkaas halkaas u geeyeen si ku meel gaar ah, waxayna Amir dib u soo dejiyeen goob caruuraha lagu hayo oo ku taala degmada Kumla.

-Uppsala markii la i keeney waxay  i dheheen halkaan ayaad ku noolaan doontaa , ka dibna iskuul ayaan ka bilaabey, saaxiibo ayaan ka bartey, kubad ayaa ka cayaaraa.

Maalin ayaa waxaa ii yimid xafiiska sooshalka kuwaas oo igu yiri degmada Kumla ayaan dib kuugu celineynaa laakiin annigu ma rabo in aan dib ugu noqdo degmada Kumla, ayuu yiri Amir.

Dalkaan Iswiidhan ayaa sanadkii hore waxaa yimid dhallaan kaligiis socod ah oo wadar ahaan dhan 33 000 oo qof.

Degmooyinka dalkaan ayaa boqolkiiba 35 waxay caruurahaas ku meeleeyeen degmooyin kale ka dib markii ay degmooyinkooda  ka waayeen goobo ay dhallaankaas ku meeleeyaan.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".