Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hooyooyinka ayaa doorka ugu weyn ku leh la dagaalanka argagixisada

La daabacay måndag 18 april 2016 kl 11.14
Doorka hooyooyinka ee la dagaalanka argagixisada.
(0:53 min)
Mona Sahlin anser att man ska prioriterar nätverk av anhöriga och mammor i kampen mot radikalisering.
Mona Sahlin. sawir: TT

La dagaalanka argagixisadu guriga iyo hooyooyinka ayey ka bilaabataa,

sidaas waxaa tiri Mona Sahlin oo ah isu-duwaha dalkaan Iswiidhan u qaabilsan la dagaalanka argagixisada:

-Hooyooyinku waa kuwa ugu muhiimsan marka ay noqoto la dagaalanka argagixisada sababtoo ah hooyadu ma rabto in ay ilmaheeda weydo waana tan ilmaheeda ku aragta calaamadaha ugu horeeya oo dhankaan la xiriira.Laakiin hooyooyinka waxaa lagu faquuqaa wadama badan oo dunida ka mid ah kumana kalsoona bulshooyinka ay ku dhex nool yihiin sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in hooyooyinka la quweeyo doorka ay ku leeyihiin la dagaalanka argagixisada, ayey tiri Mona Sahlin.

Mona Sahlin ayaa wada qorshe ay afar degmo oo dalkaan ka mid ah uga bilaabeyso mashruuc tijaabo ah oo hooyooyinka la isugu xirayo,aqoon ahaana lagu xoojinayo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".