Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Mehmet Kaplan oo is casilay

La daabacay måndag 18 april 2016 kl 17.00
Kaplan:su'aalaha laga keenay baa howlshii iga horistaagtay
(1:50 min)
Bostadsminister Mehmet Kaplan.
Bostadsminister Mehmet Kaplan. sawir: Maja Suslin/TT

Wasiirkii guryeynta Mehmet Kaplan ayaa maanta xilkii uu ka hayey dowladda Sweden iska casilay, iscasilaadiisa waxaa aqblay ra’iisalwaasaaraha Sweden Stefan Löfven.

 Raa’iisalwasaare Löfven ayaa sheegay in Mehmet Kaplan uu isagu doortay in xilkii uu ka hayey dowladda iska casilo.

Mehmed Kaplan oo shir saxaafadeed ku qabtay xarunta golaha wasiirada  ayaa sheegay in uu waqti dheer ahaa ruux ku jira halgan ka dhan ah cunsiriyadda iyo xagjirnimada.

- Laakiin waayadan denbe waxaa laga hadlayey shaqsiyadeyda taas oo wax u dhintay howlshii aan dawladda u hayey.

- Laakiin taas micnaheedu ma aha in wixii laga qorayey ay run ahaayeen , ayuu yeri Mehmet Kaplan wasiirkii hore ee guryeynta xukumadda Stefan Löfven.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".