Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xarumaha qaxootiga oo aan laheyn waxyaalihii dabka ka difaaci lahaa

La daabacay tisdag 19 april 2016 kl 11.19
Khataraha dabka iyo xarumaha qaxootiga
(1:34 min)
Illustration med en brand i bakgrunden av en sverigekarta och en radio.
Sawirkii : Susanne Lindeborg, Ekot

Goobo badan oo qaxootiga dalkaan yimid ay dagan yihiin ama lagu hayo caruuraha kali socodka ah

ee dalkaan yimid ayeysan fiicneyn qaabka looga hortagi karo haddii dab ka kaco, sida tusaale ahaan wadooyinka loo maro albaabada deg dega looga baxo haddii goob dab ka kaco oo xiran iyo aaladaha dabka ka digta oo aan ka shaqeyneyn xarumahaas dadka qaxootiga ahi degen yihiin.

Goob caruuraha kali socodka ah lagu hayo ayaa la xirey ka dib markii baaritaankii lagu sameeyey lagu ogaadey in goobtaasi aysan laheyn waxyaalihii dabka ka difaaci lahaa.

Marcus Asplund waa madaxa degmada Katrineholm u qaabilsan arrimaha badbaadinta :

-Waxaan u aragney in goobtaasi aysan laheyn wixii dabka ka difaaci lahaa sidaas daraadeedna aan caruur lagu heyn karin, ayuu yiri Marcus Asplund.

Afartii goobood oo ay dalkaan qaxooti dagan yihiinba saddex ka mid ah ayaan laheyn waxyaalihii aasaaska u ahaa in dabka looga gaashaanto.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaan Iswiidhan Anders Ygeman ayaa ka walwalsan goobaha qaxootiga lagu hayo oo aan laheyn shuruudihii dabka ka difaaci lahaa:

-Dabcan arrinkaani waa mid walwal leh, waxa ugu xun oo dhici karaana waa in qof ama dad ugu gubtaan dab sababtoo ah iyadoo goobtaas uu daganaa aysan laheyn wixii dabkaas ka difaaci lahaa.Arrinkaan la xiriira ka gaashaamashada dabka waa in aan la dhayalsan oo loo arkaa mid khataro ka dhalan karaan isla markaasna waa in qaladaadkaan la saxaa , ayuu yiri Anders Ygeman

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".