Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bangi islaami ah oo la diiday in laga furo Sweden

La daabacay tisdag 19 april 2016 kl 11.59
Qoloba waxay qaadanayso bay meel u madhaa
(7:51 min)
Det finns ett stort behov en islamisk räntefri bank i Sverige anser affärmannen Bashir Aman som har lämnat in en ansökan till Finansinspektionen. Foto: Johan Prane/Sveriges Radio.
Det finns ett stort behov en islamisk räntefri bank i Sverige anser affärmannen Bashir Aman som har lämnat in en ansökan till Finansinspektionen. Foto: Johan Prane/Sveriges Radio.

Hayadda kor-meerka dhaqaalaha Finansinspektionen ayaa diidmo kala hor-yimid codsi lagu dalbaday in Sweden laga furo bangi Islaami ah oo aanu ka jirin nidaamka ribada.

Sababta aannu codsigaa u diidney ayaa ah in mulkiilihii doonayay inuu bangiga bilaabo in aanay u suurtagelin inuu helo dhaqaalihii lagu maal-gelin lahaa, sida ay sheegtay Martina Jäderlund, kana mid ah madax-waaxeedyada heyadda kor-meerka dhaqaalaha - Finansinspektionen.

Bashiir Ammaan, ahna ganacsade ku nool dalkan Sweden, isla-markaana ah shakhsiga ku talo jiray inuu bangi islaami ah Sweden ka furo oo u howl-gala habka shariicada islaamka oo ribadu ka reeban tahay ayaa diidmo ka helay hayadda kor-meerka dhaqaalaha isagoona aan ku guuleey-san inuu soo buuxiyo shuruudihii looga baahnaa.

Go’aanka diidmada ee hayadda ayaa ah mid abiil laga qaadan karo.

Isha/ Ekot, Radido Sweden.

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

        

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".