Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Arrimmaha socdaalka ayey bulshadu ugu xiise badan tahay

La daabacay tisdag 19 april 2016 kl 13.01
Dadka Iswiidhishka iyo soogalootiga
(1:18 min)
Dhismaha jaamicadda Göteborg.
Dhismaha jaamicadda Göteborg. sawir: Jazz Munteanu

War-bixintii sannadlaha ee jaamicadda Götebrog, laguna magacaabo Som-rapporten ayaa lagu sheegay in labadii ruuxba mid ee bulshada dalkan ku dhaqani u aragto in arrimmaha socdaalka iyo iyo is-dhex-galku yihiin waxyaabaha ugu muhiim-san ee howlaha bulshada.


53% ayey ula muuqataa in arrimmaha ugu muhiim-san ee bulshadu ka fekertaa tahay howlaha la xiriira socdaalka iyo is-dhex-galka, halkii ey horey uga ahaan jireen dar-yeelka caafimaad iyo tacliinta, sida ku caddaatay baaritaan-sannadeedkii machadka Som-institutet ee jaamicadda Göteborg, midkaasina oo su’aalo lagu weeydiiyey bulshada.

Marie Demker, ahna caalimad ka howl-gasha jaamicadda Göteborg, isla-markaana ku takhasustay culuunta maamulka dawlad-nimo ayaa sheegtay in xiisaha loo hayo siyaasadda soo-galootiga iyo is-dhex-galka ey bulshadu ku kala duwan yihiin hadba xisbiga uu shakhsigu ka tir-san yahay ama u codeeyo.

- Waayadii hore ayay su’aasha la xiriirta dar-yeelka caafimaad ee gaarka loo leeyahay ahayd mid ey isku haysteen ama ka doodi jireen xisbiyada  siyaasadda ee garabyada Bidix iyo Midig. Iminkase waxaa ka hor-maray oo booskii ka qaaday midda socdaalka, sida ay sheegtay caalimaddu.

Isha/ TT

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".